|

Galmudug oo ku guuleysatay Koobka ciyaaraha Gobolada

Muqdisho January 29, 2024 (QJ) -Xulka Galmudug ayaa ku guuleystay tartanka maamul goboleedyada dalka oo ay ciyaartii kama danbsyta ka badiyeen xulka Hirshabeelle, oo ay 4-1 ku garaaceen maanta.
Ciyaarta oo ahayd mid aad u adag ayaa 90-daqiiqo ku soo idlaatay 0-0, waxaana lagu kala baxay rigooreyaal oo ay Galmudug 4-1 kaga badisay Hirshabeelle.
Guushan ayaa ka dhigan guul weyn oo u soo hoyatay Galmudug, maadaama ay tahay guushii ugu horeysay ee ay ka gaaraan tartanka maamul goboleedyada.
Dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo ammaanka caasimadda, gaar ahaan agagaarka garoonka ciyaaraha iyo goobaha ay bulshadu ku badan tahay, iyadoo la adkeeyay ammaanka si looga jawaabo xiisadda u dhexeysa taageerayaasha kooxaha tartamaya.

Comments are closed