Siyaasiyiinta Ka Soo Jeeda Somaliland ee Ka Tirsan DFS oo laga horjoogsaday tegida Laascaanood

Muqdisho (QJ) – Siyaasiyiinta sheegtay in ay Somaliland ku metelaan dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan damcay in ay ka qeybgalaan munaasibada caleemasaarka lagu sheegay ee hogaamiyaha Laascaanood ayaa arinkaa kala kulmay wejigabax, haatana uu waagu ku beryay.

Wasiirada iyo Xildhibaanada oo uu ugu sareeyaan Raisul Wasaare ku-xigeenka Jaamac Saalax iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee lagu sheekeeyo in Somaliland metelaan ayaa si toos ah loogu bartilmaansaday isla markaana loogu sheegay in aaney Soomaalida kale kal qeybgeli kareyn munaasabadii maalmihii u danbeeyay ka socotay Laascaanood.

Xildhibaanadan federaalka ee loodiiday in ay Laascaanood booqdaan ayaa qaarkood degaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Sool.

Munaasibada Laascaanood oo dhamaan degaanadii kale ee Soomaaliada ay ka qeybgaleen ayaa siyaasiyiintan loo cadeeyay in sheekadu Midnimo aheyn ee ay tahay mid Somaliland lagu bartilmaansanayo.

Waregaleeno xiriiro dhaw la leh Masuuliyiinta reer Somaliland ee Muqdisho ku sugan ayaa haatan soo wejahday xaalad murugsan oo wixii loogu sheekeeyay ee aheyd midnimo aaney marnaba mid meesha lagu hayo aheyn, balse xaalku yahay uun mid degaanadooda lagu bartilmaansanayo.

Siyaasiyintan ayaa la sheegay in qaar kood aaney haatan heysan xoriyad dhaqdhaqaaq ama mid xoriyadeed oo ay arrinkan uga hadlaan.

Mudane Cisamaan Dube oo hore Muqdiaho uga soo noqday wasiir iyo xildhibaan oo dhawaaan garwaaqsaday munaafaqnimada iyo hagardaamooyinka Soomaaliya yaala, iyo doorka caamilnimo ee Siyaasiyiinta halkaa u shaqo taga ayaa iscasilay, bulshadana u bayaamiyay waxa Muqdisho lagu hayo,

Waxaase isweydiin leh sababta Dawlada Somaliland ay si mug leh oo muuqata uga hawlgeli weyday soo xerogelinta siyaasiyiintan la marin habaabiyay haatanse arka sida xaal yahay.

Si kastaba ha ahaatee arinkan ayaa haatan bulshada reer Somaliland u cadaatay in Soomaaliya aaney wax aan colaad aheyn aaney haatan ku fooganeyn.