|

Somaaliya oo u dabaaldegtay 63 Guuradii xoriyada iyo Midnimada Woqooyi iyo Koonfur

Muqdisho July 01, 2023 (QJ) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb galay Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho, taasoo lagu xusayay 63-guuradii ka soo wareegatay markii Gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga, isla markaana ay midoobeen Gobollada Waqooyi iyo Koonfur.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaal ciidan, iyo mas’uuliyiin kale.

Dabaaldegga ayaa ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium, iyadoo ciyaar kubadda cagta ah ay halkaa ku dhexmartay kooxaha Muqdisho City iyo Fc Horseed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay munaasabadda 1-da Luulyo, wuxuuna ka hadlay xaaladda guud ee dalka, sida amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, waxbarashada.

Xasan Sheekh ayaa ku nuux-nuux saday in dowladdu ay ka go’an tahay in horumarro laga gaaro la dagaallanka argagixisada iyo Al-shabaab, horumarinta amniga dalka, horumarinta dastuurka, nabadeynta, iyo ujeedooyinka kale, isagoo ugu baaqay shacabka inay gacan ku siiyaan dowladda sidii ay u gudan lahayd waajibaadkeeda.

 

Comments are closed