|

Sweden oo markale lagu gubay Quraanka Kariimka ah

Stockholm June 29,2023(QJ)-Muslimiinta caalamka ayaa si weyn uga xumaaday dhacdo dhawaan shaqsi sheegtay inuu u dhashay dalka Ciraaq uu meel ka dhac ku sameeyay dhowr bog oo qur’aanka kariimka ah, iyadoo ay daawanayeen booliska Sweden.

Dhacdadan ayaa dhacday intii lagu guda jiray dabaaldega Ciidul Adxaa ee Muslimiinta, Booliska ayaa ninkan ku soo oogay dacwad ka dhan ah qowmiyad ama qaran.

Sweden ayaa caan ku ah in ay si cadaw ah ula dhaqmaan qur’aanka kariimka ah, waxaana dalka gudihiisa ka dhacay falal sharaf dhac ah, iyadoo dhowr jeer oo hore ay gubeen qur’aanka kariimka ah, taasoo aan wax isla xisaabtan ah aaney ka dhalan.

Dowladda Marooko ayaa markii ay ogaatay in qur’aanka kariimka ah la gubay, waxa ay u yeeratay safiirkeedii u fadhiyay Sweden, taasi oo ka dhigan diidmo. Arintan ayaa muujisay sida ay u daran tahay dhacdadii ka dhacday afaafka hore ee masaajid ku yaala magaalada Stockholm.

Sidoo kale, dowladda Turkiga ayaa si weyn uga dhiidhisay meel ka dhaca lagu sameeyay qur’aanka kariimka ah ee ka dhacay dalka Sweden, iyadoo ku nuux-nuuxsatay inaan la aqbali karin, laguna xadgudbi karin bulshada muslimiinta ah.

Hadda ka hor, Turkigu wuxuu muujiyay inuusan ku qanacsanayn go’aanka Sweden ee ku biirista Ururka North Atlantic Treaty Organisation, isagoo tusaale u soo qaatay dhacdooyin dhowr ah oo lagu gubay qur’aanka kariimka ah oo dalkaas ka dhacay.

Comments are closed