|

Somaliland: ‘’Biilkii Xaafada Iyo Baahidii Qoyska oo Is Dabooli Waayay’’ Warbixin Soo Bandhigaysa Nolosha Dhabta ah ee Sicir Bararku Sababay

Hargaysa 21. April 2017 (SDN/QJ):- Kor u kaca sicir bararka ka jira Somaliland ayaa saamayn xun  ku yeeshay nolosha qoysaska ku nool magaalooyinka Waaweyn Sidaas Waxaa Warbixintan Ku Bilowday Wariye Sagal Cabdiraxmaan Axmed Filibiin oo ka tirsan Bah’da Dawan Media Waxayna Warbixinta oo Dhamaystirani u Dhignayd Sidan:-

 

Qiimaha maceeshada ayaa haatan maraaya meel aad u saraysa magaalada Hargeysa iyada oo bulshadu aad ula yaaban sixirbararka iyo sarif bararka qiimaha Doolarka ee maalinba maalinta ka dambaysa cirka isku sii shareeraaya xilli uu Dalku ku jiro xaalad adag oo abaar iyo xanuuno isugu darsameen Dadka ku dhaqan in badan oo ka mida deegaanada Somaliland.

Qiimaha raashinka la quuto,  qudaarta iyo Hilibka ee caasimada ayaa haatan gaadhay halkii ugu saraysay waxana uu marayaa

Kiilooga Baastada ahi 8,000 kun oo shilin,

Kiilooga Sonkorta ah 8,000.kun oo shilin,

kiilooga Bariiska ah 6,000.kun oo shilin,

Niskiilooga  ama kiilooga badhkiisa xabuubta ah 8,000.kun oo shilin,

Kiilooga baradhada ah 8,000. kun oo shilin,

Basasha cuntada lagu karsado waxa uu iyana kiiloogeedu marayaa 7,000.kun oo shilin

Hilibka inta ugu yare ee cuntada lagu darsado 15,000. kun oo shilin, halka hilibka caadiga ah ee xafadaha lagu karsadaana maraayo shan iyo lixdan kun ilaa sagaashan kun oo shilinka Somaliland ah, sidoo kale gadbada dhuxusha la shito ah ayaa maraysa 85.kun oo shilin iyada oo meelaha qaarna laga siinaayo sagaashan kun oo shilin, Waxa waliba intaasi dheer qaybaha kale ee xawaashyada iyo wax yaabaha kale ee loo adeegsado cuntooyinka oo dhammaantoodba maraaya meel aanay waligood gaadhi.

 

Hadaba siday isu daboolayaan qiimaha quutal daruuriga aynu ka soo sheekaynay iyo biil yar oo 20,000 kun ama 30,000 kun oo shillin oo reerku  qaato?, bal qiimee akhriste maxay soo iibsan kartaa hooyada saaka salleda u qaadatay suuqa ama tukaamada xaafada ka soo adeeganaynsaa may su iman karaan lacagta ay sidato iyo baahida qoyskeedu?

Hooyo caasha cismaan xaad waa mid ka mida Hooyooyin aan kula kulmay badhtamaha suuqa shiraaqle ee magaalada Hargeysa waxa aanay ii sheegtay inay suuqa la soo gashay lacag dhan labaatan kun oo shillinka Somaliland ah balse aanay garanayn wax ay ku iibsato “hooyo waad aragtaa oo wax kastaa waa qaali lacagtayda iyo baahidayduna isma daboolayaan gurigaygii raashin kagamaan iman, markii hore raashinka waanu dhigan jiranay lakiin maanta xoog buu qaali u noqday markaa waan kiiloo iibsadaa hada waxaan halkan ka iibsaday sonkortii, bariiskii, saliidii, iyo waxoogaa yar oo qudaar ah waayo lacagtii aan sitay ayaa ii gaadhi wayday inaan iibsado dhammaan qudaartii aan u baahnaa, waliba ma haysto waxaan baska ku raaco oo waan lugaynayaa xataa kun iyo shantii boqol ee basku iimay hadhin.

Muxumed Xirsi waa mid ka mida ganacsatada yar yar ee Hargeysa waxa uu booshari ku haystaa suuqa wayn ee magaalada Hargeysa waxana uu ii sheegay inay jiraan qoysas badan oo awoodi waayay inay iibsadaan quutal daruuriga sababta oo ah waxaan is buuxin karayn biilka maalinlaha ah ee reerka iyo baahida guryaheena taala, “dadkeenu isku imid maaha oo waa nin iyo hayntii qoysaska qaar baa biil u hela toban kun oo shilin halka qaar kalena helaan labaatan ama sodon kun oo shilin markaa walaahi baahida dalka taalaa aad bay u badan tahay oo ma qiimayn karayno balse waxaan qabaa anigu inay waxan oo dhanba sabab ka yihiin ganacsatada waawayn,  shirkadaha isgaadhsiinta,  masuuliyiinta qurbo joogta ah ee lacagaha dibeda u dhoofiya, iyo adeegyada Zaad iyo E.dahab waayo waxa aynu maanta maraynaa meel xasaasiya oo wax kasta doolar lagu iibsanaayo xataa wax barashadii waa doolar oo lacagta dalka waxba laguma iibsado hada meheradaydan aad taagantahay waxa ugu yare ee aan kaaga tilmaami karaa waa inaan shay kasta ku iibinaayo doolar  taana waxaan kala mid ahay ganacsatada kale ee suuqyada dalka”

Gabo gabadii Akhristayaal qoraal kuma soo koobi karo dhibaatada ay danyarta reer Somaliland ku qabaan qiimaha maceeshada qaaliyoowday iyo saraw kaca lacagta qalaad ee doolarka balse waxa cajiib ah inaanay masuuliyiinta dalku ka war haynin wax ay ku sugan yihiin dadkii ay masuulka ka ahaayeen ee ku dhibaataysan miyi iyo magaalaba, waxana  xusid mudan inaanu shaqaynin amarkii madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland Axmed Siilaanyo iyo go,aamadii uu ka soo saaray sixir bararka iyo sarif bararka suuqyada Dalka, waxaanay Bulshada reer Somaliland is waydiinayaan sababta ay dawladu u awoodi laadahay wax ka qabashada xaalada adag iyo duruufaha ka dhashay sixir bararka ee ay la daalaa dhacayaan.

Leave a Reply