Hargeysa, 13 May 2015 (SDN/QJ)-Wefti ka socda beesha caalamka ee taageerta Somaliland oo socdaal ku yimi dalka ayaa wadahadalo kala duwan oo ku saabsan xaaladda aloosan ee mudda kordhinta la yeeshay Madaxweynaha, madaxda xisbiyada mucaaridka ah iyo dhinacyo kale, isla markaana weftigan oo xalay u hoyday Hargeysa waxa la filayaa inay maanta dib ugu laabtaan Nairobi.
Beesha caalamka oo muddooyinkan dambeba cadaadis ku saaraysay xukuumadda Siilaanyo inaan la samayn muddo kordhin siyaasiya oo aan ku salaysnayn jadwalka komishanka doorashooyinka, ayaa weftigan oo dalka yimi maalin kadib markii guurtidu ku dhawaaqday muddo kordhin ka badan sanadkii komishanku caddeeyay inuu ku qabanayo doorashada, waxay wadahadal adag shalay isku waajaheen madaxweyne Siilaanyo iyo xubno wasiiraddiisa ka mid ahaa. Siday sheegeen xogo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo ku dhawdhaw madaxtooyadu, weftigan beesha caalamku waxay ku tirtirsiyeen madaxweynaha in aanay xukuumadiisu ixtiraamin heshiisyadii iyo balamihii ay hore isugu ogaayeen, isla markaana waxay u qadimeen in mudda kordhintani ay tahay tii ay hore uga digayeen, aanay ahayna mid ku wada shaqayn karayaan, sidaa darteedna waxay u jeediyeen madaxweyne Siilaanyo, inuu ka laabto mudda kordhintan sanadka iyo 9bilood ah, taa bedelkeedana uu madaxweynuhu fidiyo gogol loo dhan yahay oo lagaga wada hadlo arrinta, beesha caalamkuna goob joog ka tahay, si loo gaadho wax laysla ogol yahay. Xoguhu waxay intaa ku dareen, madaxweyne Siilaanyo oo ay kulanka ku wehelinayeen xubno wasiiradiisa ka mid ahi inuu difaacay mudda kordhinta, jawaab debecsan ku qaabilay qorshahaa ergadda caalamka, isla markaana uu kaga hadal celiyay in arrinkaa ay xukuumad ahaan eegayaan.Warku wuxuu intaa raaciyay, in weftigu uu jawaab amuurtaa la xidhiidha ka sugayo maanta dhinaca madaxtooyada, gelinka dambe ee isla maantana la filayo inay ku laabtaan Nairobi.
Kulankaa kadib weftigu waxay wada hadalo gooni gooni ah la yeesheen hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaridka ah, oo ay gaar gaar ugala shawreen xaaladda iyo aragtidooda ku wajahan mudda kordhinta guurtidu samaysay oo ay qaadaceen labada xisbiba (Waddani iyo Ucid). Siday tibaaxeen xogo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo ku dhawdhawaa kulamadaasi, ergadda beesha caalamku waxay wada hadal adag la yeesheen gudoomiyaha xisbiga Ucid, kaasoo ku qotomay mawqifka xisbigu ka taagan yahay xaaladda iyo aragti ahaan siduu u arko xalka. Sidoo kale gudoomiye Cirro iyo xisbigiisa ayaa weftigu wadahadal kala yeeshay xaalada iyo aragtidooda.Xoguhu waxay intaa ku dareen, in mucaaridku uu muujiyay in xalku yahay mudda kordhin ku salaysan qorshaha komishanka.
Ergadda beesha caalamku waxa kale oo ay shalay wadahadal adag la yeesheen hogaanka guurtida, kaasoo ku lug lahaa mudda kordhinta siyaasiga ah ee uu golahaasi ku dhawaaqay, oo calaamatul su,aal saaray in doorasho dambe Somaliland ka dhici doonto iyo in kale.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Ucid iyo xubno weheliya oo xisbigiisa ka tirsan ayaa xalay fiidkii wada hadal u tegay madaxtooyadda, halkaa oo qorshuhu ahaa inay isku arkaan madaxweynaha, jawaabna ay ka sugayeen ergadda beesha caalamka ka socota. Weftiga ergada beesha caalamka oo uu hogaaminayay safiirka midawga yurub u qaabilsan arrimaha soomaalida socodkiisan wuxuu ka wakiil ahaa 28 wadan oo ka mid caalamka taageera, isla markaana waxay xoguhu tibaaxin in dawladda Itoobiyana ay qayb ka tahay qorshahan oo lagu wargeliyay taasoo madaxweyne Siilaanyana la sheegay inay ku wargeliyeen.
