|

Somaliland Iyo Israaiil(Warbixin xog taariikh ah xambaarsan)

Tan iyo malintii wasiirka cusub ee wasaarada arimaha dibada wadankeena Somaliland Maxamed Biixi Yoonis xilka loo magacaabay, waxaa si toosa u soo if-baxaayay xidhiidhka dadban ee tooska ah ee ka dhexeeya, wadankeena Somaliland iyo Israaiil, kaas oo hada maryaa, meelihii ugu wanaaganaa, waana waxa lagu faano, oo la taageero, lana sii kobciyo oo halkaa laga ii wado.

Waxana taariikhda ku cad, in Israaiil ay tahay qarankii ugu horeeyay, ee aqoonsada Qarankeena Somaliland 26/6/1960kii, markaas oo aynu, ka hoos-baxnay Maxmiyadii Boqortooyada Ingiriiska.

Hadaba aniga oo si balaadhan, ugu soo ban dhigi doona, mugdigana hadii eebe yidhaa ka saaro doona,  soona ban dhigi doona cadaymo, aan laba cali ku murmin, iyo dhan-baalo la is dhaafsaday, iyo amintii uu bilawday xidhiidhkani, iyo qaabka uu u bilawday, waxa aan rabaa in ay aad uga bogabtaan bulshada reer Somaliland iyo qofka uu dhan-balkani gaadho,waxana aan ku bilaabayaa, in aan kuu kala hor-mo-galiyo, waxana aan ka duuli doonaa qodobadan.

Somaliland iyo Israaiil dul-ka-xaadis kooban

Maxay wadaagan ama ku kala gadisan yihiin labada qaran

Gormuu bilawday xidhidhka dadban ee labada qaran

Danta Somaliland iyo xidhidhkaas

Danta Israaiil iyo xidhiidhkaas

Muranka ka dhexeeya Israaiil iyo Carab

Diin iyo dan aduunyo

Qodobadaas baa gun u noqon doona, qormadan oo aad u balaadhan, se aan isku dayi doono in aan aad iyo laxaad aan u soo koobo, aniga oo mar kasata ka duulaya in aan xogo badan aan qariyo, waayo waqtigeedii lama gaadhin, iyada oo qodobkan ay ku dheehantahay, xanaf diimeed, oo dad ay rabaan in ay ku awr kacsadaan, se waxa jiraa intaas waa ka qoto dheer yahay.

Somaliland Iyo Israaiil Dul-Ka-Xaadis Kooban

Somaliland waa qaran, waayo badan soo maray, mar uu gacan kale ku jiro, iyo mar uu qaran kale waxa la wadaago, iyo hada oo uu yahay qaran aan cid kale waxa la wadaagayn, waanad ka wada dharag-san tihiin, taas oo dib idiinku celin mayo. Dhabtuna waa taas manta gayiga geeska afrika ka muuqata, oo qof kasata oo dagmadaas raba in uu qalinkiisa waxa kaga qoro, aanu Somaliland sacab ku qarin karin, iska daa taase waxa ay gaadhay in magacyo badan oo qaarkood adunka ka can yihin loogu yeedho, sida  Sheekada guulaysatay ee afrika  iyo Africa’s best kept secret, kuwaas oo si dhaba daaha uga faydaya, xogta dhabta ah ee ka jirta Somaliland ,kuna dar dhamaan qodobadii lagu wada heshiiyay ee ka soo baxay wadahadalada Somaliland Iyo Somaliya, oo si cad loogu qeexay in ay wada galeen heshiisyadan Dawlada Somalilanda Iyo Dawlada Fadaralka Somaliya, isku soo wada xooriyoo, qarankeenu waa taabo qaaday, waxana uu marayaa manta, heer si dhaba uu gadh-wadeen uga noqdo, madasha adunka ee lagu lafa-guraayo, arimaha geeska afrika, in la tiriyo, oo layidhaa ku dar-adiguna talada, hadaba dul-ka- xaadiskaas aan intaas ku soo dhaafo, oo aan u gunda-dago, wadanka Israaiil isagana.

Wadanka Israaiil waa qaran lagu dul-dhisay qaran kale, waxa dawlada Israaiil lagu dhawaaqday madaxbanaanideeda 1948,  waxa ay se manta joogta dawlada ka mida 18ka wadan ee Adunka ugu tunka wayn, hadii ay tahay aqoon ahaan iyo farsamada casriga ahaba, waan wadan ka dhex muuqda wadamada bariga dhexe, se ku can baxay, muranka ka dhexeeya iyaga iyo Falastiiniyiinta, se murankaas hoos ban ku xusi doonaa halka uu ka soo unkamay, wadanka Israaiil waa wadan manta saamayn weyn ku leh, aduunka siiba bariga dhexe, iyo wadamada kulaalaya bariga dhexe, taas baa keentay in Somaliland Iyo Israaiil, mid kastaa u arko kan kale in ay leeyihiin dan-kulanyo, oo dantaas ka wada shaqeeyaan, mid kasta oo labada wadana uga shaqayn lahaa in uu kan kale dantiisa u baylahda uga dhabo.

Maxay wadaagan ama ku kala gadisan yihiin labada wadan

Waxa muuqata in ay wadaagaan qodobadan hoos ku xusan

  1. Waa laba wadan oo go’doon dadban kaga jira wadamada ay ood-wadaagta yihiin, se uu ka dhexeeyo xidhiidh dadban oo toosa, oo gaadhay heer aqoonsi dadban.
  2. Waa laba wadan, oo tayo aqooneed, kaga mudh baxay, wadamada ay ood-wadaagta yihiin.
  3. Waa laba wadan oo daganaanshe siyaasadeed oo dhabi ka hana qaaday
  4. Waa laba wadan oo dheer wadamada ay ood-wadaagta yihiin dimuqraadiyada dhaba oo ka hana qaaday, halka wadamada kale wali aanay gaadhin, halkaas.
  5. Waa laba wadan oo ku kala yaala laba goobood oo aad u mudan, midi waxa ay ku taalaa dhanka woqooyi ee bada cas, waana israaiil, halka Somaliland ku taal dhanka koonfureed ee bada cas, waan labada iridood oo laga maamulo galida iyo ka bixida bada cas.
  6. Waa laba wadan oo xidhiidh qoto dheer kala dhexeeyo wadamada, reer galbeedka, si gaarana u naas-nuujiya labada wadan, haba ugu gacan-weynaadan, wadamada Maraykanka iyo Boqortooyada Ingiriskuye.
  7. Waa laba wadan oo si dhab, u iib-gayn yaqaan qadiyadooda, kuna adag jiritaankooda, iyo in ay ku guulaystaan ujeedooyinka ay leeyihiin.

Intaas waa inta sida cad u muuqata, se waxaa jira qodobo ay ku kala gadisan yihiin, oo ay ugu mudan yihiin.

  1. Wadanka Israaiil, waa qaran lagu dul-dhisay qaran kale, oo la yidhaa falastiin.
  2. Waadanka Israaii, waa qaran ay si dhaba uu uga dhexeeyo nacayb gaamuray, wadamada ay ood-wadaagta yihiin, kaas oo salka ku haya arinka dhulka la isku hayo,
  3. Wadanka Somaliland waxa, si dhaba uu nacayb gaamuray uga dhexeeyaa waa wadanka Somaliya, se inta kale waxa kala dhexeeya, xidhiidh tolnimo.

 Goormuu bilawday xidhiidhka dadban ee labada wadan

Goorta iyo habka uu ku bilawday xidhiidhka u dhexeeya wadankeena Somaliland iyo Israaiil, iyo dhanbaalkii ugu horeeyay, ee la is dhaafsaday, waxa si cad u qeexaysa warqadan uu Madaxweyne Cigaal u diray Raysal-wasaarihii Israaiil Yitshak Rabin, tirsigeeduna yahay, SLR/PO/ISPMI/7/95, taas oo ka soo baxdey xafiska madaxweyne Cigaal, isla markaan uu ku sexeexan yahay Cigaal.

Hadaba waxa aan idiin kala baxayaa, idinka iyo warqada, oo ku qoran af-ingiriisi, oo aad si cad uga bogan doontaan, waana tan qarqadii oo dhan, iyo dhamaan xidhiidhadii, hadii ay tahay qaabkii la isgu diray, iyo cinwaanadii la isku mariyay.

Subject: Liberty: Somaliland: Letter: From Pres Mohamed I. Egal to PM Rabin

____________________________________________________________________________

                 __  __________   _  _______      ______

                /  |/  / __/ _ | / |/ / __/ | /| / / __/

               / /|_/ /\ \/ __ |/    / _/ | |/ |/ /\ \ 

              /_/  /_/___/_/ |_/_/|_/___/ |__/|__/___/ 

 

         Support MSANEWS, a project of learning and enlightenment

                   “A Mind is a Terrible Thing to Waste”

 

        [ see footer for contact and other pertinent information ]

____________________________________________________________________________

 

Source: Liberty For the Muslim World

Date: Thu, 12 Dec 1996 15:54:57 +0000

Email: info@liberty.netkonect.co.uk

Title: Liberty: Somalia Report: From Pres Mohamed Ibrahim Egal to PM Rabin

 

TEXT:

 

Liberty For the Muslim World,

Postal Address: BM Freedom, London WC1N 3XX, U.K.

Tel: 0181-4526210

Fax: 0181-4502019

Mob: 0468298219

 

 

Text of the letter sent by fax to former Israeli Prime Minister Yitzhak Rabin by  President of the Republic of Somaliland Mohamed Ibrahim Egal.

 

 

Republic of Somaliland

The Presidency

Our Ref: SLR/PO/ISPMI/7/95

Your Ref: …………………..

 

3 July 1995

Hargeisa

 

His Excellency The Prime Minister

of Israel Mr Yitshak Rabin

Hakirya, Fax No. 972 2 513 950

Jerusalem, Israel.

 

Your Excellency

 

Establishing Strategic Partnership with the State of Israel

 

In my capacity as the President of the Republic of Somaliland, an admirer of the state of Israel and the courage of its people, please accept my compliments and my people’s profound felicitations to you, your Government,President and the people of Israel for their tenacity, strength and resourcefulness which had finally constrained its adversaries to make peace with the State of Israel. I have the honour of representing the people of Somaliland and its nascent state in this opportunity for seeking to establish amiable and strategic links with the State of Israel.

 

It is important to note that our two nations have had strong links since time immemorial. Indicative of such historical links, stretching well before the advent of Islam to this date, is the influence of the Hebrew culture in Somaliland and how Jewish legends and their mystical powers are widely acknowledged and homage paid to them. In addition, the people of Somaliland are appreciative as they have an indelible memory of the fact that Israel was among the first three countries who recognised Somaliland after it declared its independence from Britain on 26th June 1960, alas,that independence lasted no more than four days as Somaliland entered into a voluntary union with the UN Trust Territory of Somalia on 1st July 1960,

in the hope of creating Greater Somalia.

 

 

Exactly, thirty five years later, the dreams of Greater Somalia are

discredited and disavowed. It was under the union with Somalia that

Somaliland found itself a pathetic captive within a ruthless, destructive

and hostile state. Indeed, it was this union whose culmination was the tyrannous and repressive regime of the late Siyad Barre which brought about the enormous suffering, starvation and destruction in which the world had witnessed and came to notice, too well, during the past five years or so. The people of Somaliland have renounced such a union in May 1991 and reclaimed their independent sovereign entity, and nothing will make them reverse the decision to extricate themselves from the captivity of Somalia.

 

The vice-president and the Foreign Minister of Somaliland have, recently,paid an official visit to Eritrea and while there met H.E. Ariel Kerem,the Ambassador of Israel in Eritrea, who furnished them with valuable advice and suggested that I, the President of Somaliland, should write to your Excellency, as the Prime Minister of Israel, in person, informing you about Somaliland’s eagerness to establish an ex parte relationship based on strategic partnership with the State of Israel and sharing with you about my government’s concerns and fears vis-a-vis the alarming menace emanating from the expansion of Islamic influence in our strategic region.

 

As I am sure you are aware, at the height of the cold war Somalia’s

strategic geographical location was acknowledged by both sides

(East/West). Today, however, although the West had won the cold war and the threat of communism appears to be vanishing in many parts of the world, we, in the Horn of Africa, are being threatened by a more sinister and pernicious enemy in the form of encroaching Islamic influence. It would be true to say that the State of Israel and its people are, perhaps, more aware and alert of such threats than most other countries, and know how perilous and pestilential the spread of Islamic influence would mean for the entire region.

 

The political upheavals which have been taking place in the Horn of Africa and the lack of stability in the region could be aggravated further if the influence of Islamic Fundamentalism is not curtailed or contained very soon. Somaliland’s concern is reinforced by the growing influence of the Saudis and the pro-Islamic Yemen, particularly ever since it had crushed and defeated the South Yemeni’s courageous attempt to forsake or renounce

its union with the north. Discovering that Eritrea is not interested [in] to act as an Arab satellite, both Sana’ and Riyadh, as well as Khartoum (not to mention how pariah states like Iran and Libya are meddling into the internal affairs of my country), are now directing their efforts to force Somaliland to forfeit or withdraw its independence with the intention of installing a pro-Islamic Somali state (under a federal Somalia). This will most definitely render the control of both the north and southern coasts of the Red Sea to pro-Islamic regimes, with the exception of Eritrea and the miniature state of Djibouti which has no significance leaving the whole region to become a bed-rock for Islamic influence.

 

Your Excellency, my government firmly believes that owing to this region’s strategic geopolitical importance as a result of its propinquity to the oil routes and the narrow Babul-Mendeb entrance, as well as its proximity to the Gulf, the Middle East and the access to the Indian Ocean, it will be highly deleterious if such a strategic region falls almost entirely under the dominion of pro-Islamic regimes. Needless to say that this should be a portentous eventuality which will in turn adversely affect the national security of the State of Israel, and that of other countries in the Horn of Africa who are trying to recover from years, if not decades,

of both man-made and natural disasters i.e. civil wars, military coups, draughts and famines, etc. In addition, since countries in the region are not politically stable the encroachment of Islamic influence will most certainly have a destabilising effect. For instance, in Ethiopia with its various nationalities and particularly with its large Muslim population, the expansion of pro-Islamists in the region would act as a tinder-box with the potential to enflame the entire region.

 

Although the people of Somaliland are over 98% Muslims, they are,

nevertheless, averse to adopt an antiquated Islamic Sharia Law as their way of living and governance. In contrast my government intends to make Somaliland a beacon of democracy and oasis for stability in this region of upheavals and turmoil. But this is unlikely to happen in the present climate, as we are ranged against by strong and powerful Islamic proxies whose primary aim is to put out such an illume of hope. A foretaste of what will happen if dark forces of Islamists will succeed in their pursuit of bringing in a passé or an out-moded system, could be seen in Mogadishu today, where a de facto administration from a coalition of Islamic proxies and minority tribal groups headed by not so long ago UN/International fugitive warlord General Aideed, where Islamic surrogates have been

infringing people’s human rights with impunity; people are being stoned to death for committing no crime other than fornication; and limbs are being chopped off for petty crimes such as mugging and burglary in a barbaric inhuman and uncivilised manner. My government has, in lieu of imposing Sharia Law on our people, just completed the draft of a new secular Constitution which is very liberal and mundane, for I am conscious that Sharia Law does not reflect the needs of my people who are aspiring to become a modern society.

 

Pro-Islamists are hell bent on spreading their influence & version of

Islam in the region, and are exploiting the plight of the people of

Somaliland. Islamists are the kind of people inspired by a boundless hate who could even exculpate and excuse the crimes of the Holocaust. They have scant regard of the dire needs of the Somali people. All they are interested in is to have their way and are pouring arms and funds to set-up a pro-Islamic regime in our country and establish more Islamic proxies throughout the region. Their modus operandi is to take advantage of people’s predicament and impose unsuitable Islamic regimes upon and unsuspecting people. Somalila nd is doing all it can to be a bulwark against the spread of Islamic fundamentalism and sees this as an international issue, thus would appreciate it if your Excellency would use your good offices & enormous influence in the West, particularly in the US, to alert them about the portentous/ominous situation developing in this region, so that they would not remain hapless on-lookers while their national/international interests are being threatened. I am absolutely certain that those Arab countries noted above, as well as Iran, will whip-up Islamic/Arab passion against Somaliland establishing amiable & strategic partnership with the State of Israel and thus could use this as a pretext to exacerbate our situation further both inside and outside Somaliland. However, those countries need to know that my government is not playing with empty emotions, as they often do, but playing pragmatism and real politick for the best interest of its people and country. The people of Somaliland have a daunting and onerous task to overcome their Islamist adversaries and contain the encroachment of Islamic influence,

considering their strength, however, we are like David facing Goliath, but then there were an overwhelming odds against Israel when it defeated Arabs in three major wars. In order to surmount such an onerous task my government needs the support and assistance of the State of Israel, not only to defend our nascent state from the menace of pro-Islamist dark forces, but also in terms of relief, rehabilitation and reconstruction of this devastated country. In this regard my government has a number of priority areas where your Excellency’s assistance is pivotal to the people of Somaliland, among these are: First, military equipment and counter insurgency experts. Second, conducting plebiscite on the issue of independence at the end of next year 1996 or early 1997. Third, relief and rehabilitation aid as well as development advisers, petroleum and mineral exploitation expertise. The people of Somaliland have full confidence in their government and are absolutely behind me in this historic decision of

establishing strategic partnership with the state of Israel and I am

determined to see it come into fruition.

 

Shalom,

I have the honour to remain,

Your Obedient Servant

 

Mohamed Ibrahim Egal

President

Republic of Somaliland

 

______________________________________________________________________________

                 __  __________   _  _______      ______

                /  |/  / __/ _ | / |/ / __/ | /| / / __/

               / /|_/ /\ \/ __ |/    / _/ | |/ |/ /\ \ 

              /_/  /_/___/_/ |_/_/|_/___/ |__/|__/___/ 

 

Views expressed on MSANEWS do not necessarily represent those of the MSANEWS editors, the Ohio State University or any of our associated staff and “watchers”. Further distribution of material featured on this list may be restricted. In all cases, please obtain the necessary permission of the authors or rightful owners before forwarding any material to or from this list. This service is meant for the exchange of analyses and news, for both academic and activist usage. We depend on your input. However, this is not a

discussion list. Thank you.

 

To subscribe, send e-mail to: <listserver@lists.acs.ohio-state.edu>

with the message body “subscribe MSANEWS Firstname Lastname”.

To unsubscribe, send e-mail to the above address, with the message body

“unsubscribe MSANEWS”.

 

MSANEWS Home Page:           <http://www.mynet.net/~msanews/>

Comments to the Editors:     <msanews-ed@faith.mynet.net>

Submissions for MSANEWS:     <msanews@faith.mynet.net>

Problems with subscription:  <msaosu@postbox.acs.ohio-state.edu>

______________________________________________________________________________

 

Hadaba wixii intaas ka danbeeyay waxa uu u xuub-siibtay xidhiidhkaas tooska ahi xidhiidh dadban, oo tuhuno mooyaane, iyo kulano qarsoon oo intooda badan ay ku kul-maan dad ka kala socda labada dhinac, oo aan dib loo arag mooyaane ma jiraan wax sida warqadaas cigaal oo kale cad, se waxa arimo badan daboolka ka qaaday, weydiimo badana meesha ay soo dhigtay, keenida Maxamed Biixi Yoonis, booska wasiirka arimaha dibada, waxana ugu mudan weydiimahaas.

  1. Maxamed waxa uu mudo aad u dheer ka soo shaqeeyay madaxna uu ka ahaa xafiiska qaramada midoobay ee QUDUS, malaga yabaa in uu ahaa gacanta u dhaxaysay Somaliland iyo Israaiil?
  2. Maxamed maxaa ka keenay hawshii aadka iyo laxaadka u weynayd ee uu ka ahaa ninka labaad ee qaramada midoobay u jooga gobolka Daafuur?
  3. Yaa culayska aadka u weyn ku saaray Madaxweyne siilanyo, in uu kalintaas u dhiibo Maxamed Biixi isaga oo meesha ka saaraya ninkii uu aadka ugu kal-soonaa, ee hore u joogay wasarada?

Kuwani waa kuwa ugu mudan ee tuhunada ka dhiga cadaymo dadban, oo dabooka si dadban uga qaadaya xidhiidhkaas aadka u faca weyn ee ka dhexeeya labada qaran.

Waxa kale oo iyaduna meesha taal in xidhiidhkaasi aad u sii xoogaystay waqtigii Madaxweyne Riyaale, oo ay dhawr jeer ku kulmeen rag ka socda Riyaale iyo Safarada Israaiil ee Itoobiya, se wax wara lagama soo saarin arinkaas.

Fiiro Gaara

Dhamaan safarada ay u baxaan madaxda wadankeenu, laga soo bilaabo tan iyo malintoo aan dib ula soo-noqonay qaranimadeena, waxa ay yidhaahdan uun waa safar guul ku soo dhamaaday, iyaga oo si cad u caadaystay, in ay hadalkaas ku dhawaaqan, iyaga oo aan daaha ka qaadayn, hawlaha u qabsoomay iyo safarka guusha ku soo dhamaaday, ku darsoo heshiisyada ay soo galaana ma hor-keenan golaha wakiilada, ee daaha gadaashiisa ayay ka maamulaan, xogo badanina waa ku maqan yihiin, se rag baa ku dul ilaashanaaya.

Danta Somaliland iyo xidhidhkaas

Qaran kasataa waxa uu leeyahay dan, iyo ujeedo uu ka lee yahay, la xidhiidhka, qaran kale, hadaba qodobada ugu mudan ee uu qarankeenu ka lee yahay, wadanka Israaiil, la xidhiidhkiisu waa kuwan.

  1. In ay Israil iyada oo adeeg-sanaysa kooxaha cadaadiska, ee ay Maraykanka ku leedahay, Somaliland ka caawiyan in ay Maraykan ku qanciyaan in uu taageero Aqoonsiga Somaliland, taas oo uu wasiir Xirsi daboolka ka qaaday.
  2. In ay Israail ay Somaliland ka caawiso dhanka kobcinta Aqoonta, siiba aqoonta sare ee jamacadaha, is-kaashi aqooneed oo buuxana dhex maro labada Qaran.
  3. In ay tobabaro u fidiyaan ciidamadeena kala gadisan, siiba ciidanka sirdoonka qarankeena, xidhiidh xog-wadaagna uu inaga dhexeeyo.
  4. In maal-galin toosa iyo mid dadban aan wadaagno, siiba dibu-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, oo ay ugu mudan yihiin, Wadooyinka, Dekedaha, Beeraha, Xoolaha, Warshadaha, iyo Kaluunka.
  5. In aan ka helno Deeqo Waxbarasho, siiba aqoonta Cafimaadka, Dhaqalaha, Ciidamada, Dhismaha, iyo Tiknoolajiyada.

Aan intaas ku soo dhaafo, danta ugu mudan ee Somaliland  ka heli karto hadii xidhiidhkaas sidiisa loo bisleeyo, oo mugdiga iyo daaha dabadiisa laga soo saaro, si dhaban loo dan-wadaag.

Danta Israaiil iyo xidhiidhkaas

Danta ugu mudan ee wadanka Israaiil uu ka lee yahay Somaliland, waa kuwan hoos ku qodobaysan.

  1. In Israaiil ay ka baxdo go’doonka ay ku jirto, xidhiidh wacana uu dhex maro wadamada ay ood-wadaagta yihiin
  2. In Somaliland aanay xidhiidh la yeelan wadamada Carbeed, muranka ka dhexeeyan ay Somaliland dhanka Israail marto. Ugu badnaan, ugu yaraana ay ka aamusto oo usha dhexda ka qabsato.
  3. In saldhigyo ay ciidamada Israail leeyihin ay ku yeeshan Somaliland.
  4. In ay wadaagan maamulka bada cas, siiba dhanka Somaliland oo afka ku haysa mid ka mida marin-biyoodyada ugu mudan Aduunka, iskana kaashadaan sugida nabadiisa iyo in aan marinkaasi hoy u noqon kooxaha xag-jirka ah
  5. In Israaiil suuq-gayn uga hesho, wax-soo-saarkeeda siiba in shirkadahoodu ka qayb qaatan kobcinta ilaha dhaqaalaha wadankeena

Aan danta Israaiilna intaas aan ku soo dhaafo, aniga oo diidaya in qalinku ila dacal maro dhugta aan rabo in aan isha farta ka galiyo, waayo waan ogahay xajiinta uu leeyahay qodobadan aan wax-ka-qorayaa.

Muranka ka dhexeeya Israaiil iyo Carab

Is-maan-dhaafka ka dhexeeya Israaiil iyo Carabtu, maaha mid hada bilawday ee waa muran fac-tirsaday, waana laba ruux oo wada dhashay, waxana ay ka soo kala jeedaan, Israaiil oo ku Ab-tirsada NABI YACQUUB iyo Carabta oo ku Ab-tisata NABI ISMACIIL, labada nabina waxa dhalay NABI IBRAAHIM , Oo waa laba qolo oo ILMAADEER ah, hadii aan dhanka wada-dhalashada aan intaas ku soo moodo, se waa laba qolo oo kala DIIN ah, Israaiil waxa ay haysataa DIINTA YUHUUDA, oo waxa NABI u ah NABI MUUSE, halka Carabtuna ay haystaan DIINTA ISLAAMKA, waxana NABI u ah MUXAMED.

Muranka ka dhexeeyna waxa uu ahaa barigii hore, mid DIIMEED, hada se waa mid DHUL, oo waxa ay isku hayaan Carab Iyo Israaiil, ee isku ma hayaan DIIN, taasna waxa marag u ah murankoodu, DHUL buu ka unkamay, ee waligoodba waa kuwii wada daganaa, dhulka, laga soo bilaabo xiligii NABI MUXAMED, iyo wixii ka danbeeya, se muranku waxa uu qaab kale yeeshay markii INGIRIISKU ku wareejiyay, Israaiil dhulka Falastin, oo ay ahayd in uu ku wareejiyo falastin, se sidaas may noqon ee dhulkii Israaiil buu ku wareejiyay.

Hadaba murankaasi waxa uu soo maray, heerar kala gadisan, oo cid waliba ka qayb-qaadatay, furdaamin tiisa, se loo taag-waayay, murankaas tagni heer waxa uu gaadhay ay Somalidu ka dhigtaan Maahmaah, ka mida maahmaahaha ugu cansan, oo qofku soo qaato marka uu cakiran yahay Xalkiisu, waxan uu yidhaa XAALKAYGU WAA BARIGA DHEXE, maahmaahdaas baan soo koobtay dhibtii oo dhan.

Hadaba hadii aan nahay ummada reer Somaliland halkeen iska taagaynaa, murankaas? Waa weydiin u baahan in aan aad ugu fiirsano, inaga oo ay hal-beeg inoo tahay danta wadankeena Somaliland, iyo halka ay ugu badanayso, sida ay ila tahay aniga waxa aan la dhan nahay, oo aa garab la yeelanaynaa, dhanka ay inoogu badinayso oo ah Qaranka Israaiil, hadii se ay Carabi danta aan ka helayno Israaiil mid ka weyn miiska inoo saaran iyaga ayan dhan la noqonaynaa, hal-beegeenu waa halka ay inoogu badinayso Somaliland ahaan.

Diin iyo dan aduunyo

Qormadan guud ahaanteed kuma soo qaadan DIIN, waxa ay ku kooban tahay oo kaliya dan aduunyo, iyo xidhiidhada ka dhexeeya Qaramada, waxana aan halbeeg uga dhigay taas.

Waxa se meesha yaal weydiimo badan, oo ku lug leh dhanka diinta, taas oo ku lug leh, xanafta iyo xur-gufta beenta ah ee la inoo been abuuray, iyada oo diinta loogu soo gabaday, kala duwanaan shaha diintuna wax dhiba ama saamayn ah oo uu ku yeelanayaa ma jirto, sida aan Maraykanka, Shiinaha, Iyo Hindiyba, aan u jecel nahay, in uu wadankeena somaliland uu la yeesho xidhiidh wacan oo u adeega danaha, wadamadaas iyo Somaliland, kaas uun bay la mid tahay.

 

 

FIIRO GAARA

Wadamada aan tusaalha u soo qaatay waa wadamo kala wada diin ah, sida aad wada og’tihiin, ee aad ka wada dharagsantihiin, xidhiidhka Somaliland iyo Israaiil na kuwaas kama gadisana, ee yaan dad dano gaar ah lihi, inooga baajin danta iyo xidhiidh aad iyo laxaad u qiimo weyn oo ay wadaagan labadeena wadan, danta ummadeenana yaan, loogu soo gaban diin.

Waxa se iyaduna aad u mudan in aan is-weydiino, maxaa diiday in aan Israaiil aan xidhiidh la yeelano? Wadamadaas kalena aan aad u jecel nahay la xidhiidhkooda?

Weydiintaas, war-celinteeda waxa aan u dhaafa dhamaan bulshada reer somaliland oo dhan.

 

                           Qalinkii Garyaqaan

                                   Cabdale Dahir Adan

                                       Bartay Aqoontaka Xeerarka

                                                10/09/2013

© Xogta qormadan waxaa ay u dhawrsan tahay oo iska leh Cabdale Dahir

Comments are closed