“Arimahan Waqooyigana Kolay Wax Noo Muuqda oo loogu talo galay Midnimada Somalia inay ku wada Socdaan Ma Jirto”
Buuhoodle 17 Nov 2015 (SDN/QJ):- Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh oo ay Wehelinayaan Saraakiil ka tirsan Maamulkiisa ayaa Shalay Galab ka dhoofay Madaarka Magaalada Buuhoodle iyagoo u sii Jeeda Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.
Prof Galaydh ayaa sheegay inuu ka rajo dhigay Xukuumadda Federaalka ee Somalia sida ay wax u wado,Isagoo dhinaca kalena Hungo ka Muujiyey Qadiyadda Somaliland.
