|

Somaliland oo doorasho loo dareerayo dhamaadka sanadkan

Hargeysa April 29, 2024 (QJ) – Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa shacabka iyo dadka ay khusayso ku booriyay inay u diyaar garoobaan doorashooyinka soo socda.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Md. Muuse Xasan Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ka dib kulan ay la yeesheen xubnaha guddida joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland, ayaa shacabka iyo saxaafadda ugu baaqay inay taageeraan hufnaanta doorashada.

“Doorashooyinka waa la muddeeyay, waxaanan rajaynaynaa in dhammaan beelaha Somaliland iyo saxaafadduba ay gacan ka geystaan sidii loo meel marin lahaa shuruucda ina hagaya, Komishankuna waa inuu guto waajibaadkiisa, wixii caqabado ah ee jira, waxaanu leenahay hannaan wax lagaga qabanayo. ayuu yiri Guddoomiye Yuusuf.

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale sheegay in Guddiga ay kala shaqeynayaan sidii ay doorashadu ugu dhici laheyd si hufan, waxaana ay sheegeen in ay ku kalsoon yihiin howlaha shaqo ee Guddiga, iyagoo sheegay in ay yihiin kuwo tayo leh.

Taariikhaha rasmiga ah ee doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtooyada ee isku mar ah, ee lagu dhawaaqay dhawaan, ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan Noofambar 13, 2024.

Leave a Reply