GAROOWE- Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa maanta oo Axad ah 15-ka bishan June ka furmaya magaalada Garoowe.
Furitaanka shirka ayaa waxaa khudbad dastuuri ah ka jeedin doona madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo la filayo in uu ka hadlo waxyaabihii u qabsoomay maamulkiisa, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo arrimaha siyaasadda Soomaaliya.
Inta uu socdo kalfadhiga baarlamaanka ayaa waxaa lagu wadaa in xildhibaanadu ay ka doodaan ajandayaal dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaalada ka taagan deegaanada SSC-Khaatumo iyo Puntland, dib u habeynta nidaamka awood qeybsiga maamulka Puntland, arrimaha xuduudaha.
welwelka tahriibinta dadka iyo tallaabooyinka la xisaabtanka ee dowladda.
Kalfadhigan baarlamaanka ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan uu Isimadda dhaqanka ee SSC Garaad Jaamac Garaad Cali uu sheegay in la qorsheynayo in la qabto shirweyne ballaaran. Shirweynahan la soo jeediyay ayaa ujeedadiisu tahay in la isu keeno asaasayaashii Puntland laga soo bilaabo 1998-kii, si looga wada tashado, loona qeexo xiriirka mustaqbalka ee Puntland iyo SSC-Khaatumo, marka la eego xuduudaha deegaan, habayn siyaasadeed, iyo qaab-dhismeedka awood qaybsiga beelaha.
Kalfadhiga ayaa furmay iyadoo ay socdaan doodo ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed iyo kuwa maamul ee gobolka.
