|

Somaliland oo ku adkaysatay in Diwaangalinta Codbixiyaha Laga Qabto Goobo Lagu Muran sanyahay iyo fariinta W. ku xigeenka Amniga

Hargaysa 28.Aug 2016 (SDN/QJ):- Xukuummada Somaliland ayaa cadeysay in diwaangalinta codbixiyayaasha laga bilaabayo lix goobood oo Waqooyiga Hargeysa ah taasi oo muran xoogani ka taagnaa 25 sano ee ay Somaliland jirtay.
Wasiir ku xigeenka Amniga Maxamed Muuse Diiriye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukuummada Somaliland ay goobahaasi ka qabanayso diwaangalinta codbixiyayaasha islamarkaana ay ka dhacayso doorashada madaxwaynaha iyo ku xigeenka balse aanay ka dhaceyn doorashooyinka golaha deegaanka iyo Baarlamaanka Somaliland.
wasiir ku xigeenka amniga“Goobaha Waqooyiga waa laga bilaabayaa diwaangalinta codbixiyayaasha, waxaa laga qabanayaa doorashada madaxwaynaha iyo ku xigeenka laakiin golaha deegaan iyo baarlamaanka lagama qabanayo ilaa go’aan laga gaadhayo”ayuu yidhi wasiir ku xigeenka amniga Somaliland isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu fariin u diray cidkasta oo isku dayda inay dagaal ka rido goobahaasi waxaanu yidhi “Xukuummada wixii go’aan ah ee ay qaadato way fulinaysaa oo cidna kala tashan mayso, ninka ku baaqayaa arrintaasi eel eh dagaal ayaan ka xigaa isagaa og meesha uu dagaalka ka ridayo dawladuna hadalada noocaasi ah fiiro gaar ah ayay u leedahay”
Wasiirku waxaa uu sheegay in goobahaasi lagu muransanyahay ay ka dhacayso doorashada madaxtooyada oo kaliya balse aanay ka dhacayn doorashooyinka kale ee baarlamaanka iyo golaha deegaanka.
“Doorashada madaxtooyadu way ka dhacday dadkii abaaruhu saameeyeen xaq bay u leeyihiin inay is diwaangaliyaan”ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye.
Goobaha ay xukuummada iclaamisay in doorashada laga qabanayo ayaanay hore uga dhici jirin doorashada laga qabanayo dalka intiisa kale, waxaana xayiraad dhulkaasi kusoo rogey madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin kadib markii ay dhulkaasi isku qabsadeen Beelaha Gobolada Galbeedka Somaliland iyo Beelaha degan Waqooyiga Hargeysa.

Dhawaan ayay ahayd markii mareeyihii hore ee wakaalada Biyaha Hargeysa Axmed Cali Dable sheegay in goobahaasi laga qabanayo diwaabgalinta codbixiyayaasha balse waxaa kasoo horjeestay go’aankaasi odeyayaasha kasoo jeeda deegaanadaasi oo sheegay inaan diwaangalin laga qabanayay lixdaas goobeed.

Comments are closed