|

Somaliland Oo Si adag u Cambaareysay Sidii Muqdisho Loogu Aasay Marxuum Jen. Samatar oo ay Ku Doodeen inuu ahaa Dhagar Qabe DAAWO

Hargaysa 28.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland Mudane Cismaan Cabdillaahi Saxardiid Caddaani ayaa waxaa uu markii ugu horeysay uu si cadho leh uga hadley aas qaran oo maalintii khamiistii loogu sameeyey magaalada Muqdisho Marxuum Jen. Maxamed Cali Samatar.
DSC_0002.JPG_029Cismaan Cabdillaahi Saxardiid Caddaani ayaa waxaa uu sheegay in Cali Samater uu ahaa danbiile danbi ka galay ummadda reer Somaliland isla markaana ay maxkamadi xukuntey in uu xasuuq gaystay.
Waxaana uu sidoo kale nasiib darro ku tilmaamay wasiirku in madaxda dalka Soomaaliya ay maamuus u sameeyaan Nin uu ku sheegay gacan ku dhiigle isla markaana dowladda Soomaaliya ay jirjiroole iska dhigi jirtay, balse haatan midabkeedii rasmiga ahaa ay dadka tustay – waa sida uu hadalka u dhigaye.
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan;

Comments are closed