|

Somaliland Oo Mamnuucday La Dhoofitaanka Laptop-yada aan Shidmayn

clm

Hargeysa — Dawlada Somaliland ayaa sheegtay in ay soo saareen amaro cusub oo ku saabsan amaanka garoomada diyaaradaha Somaliland

Agaasimaha guud ee wasaaradda duulista iyo gaadiidka cirka Somaliland Md Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid) ayaa sheegay inay  kor u qaadeen amaanka garoomada Somaliland,waxaanu bulshada u soo jeediyay inay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan wixii amaanka khalkhal galin kara.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista Somaliland Md Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid) waxa uu bulshada ku wargaliyay in la mamnuucay dhammaan wixii dareere ah ee lagala dhoofi jiray madaarada Somaliland iyo Laptop-yada aan shidmayn.

Warkaasi oo faahfaahsan hoos ka daawo.

Comments are closed