Qarax lala beegsaday goob Dawladu ciidamo ka qoraneysay

Muqdisho (QJ) – Qarax Ismiidaamin ah ayaa maanta ka dhacay Xerada Damaanyo ee magaalada Muqdisho, xilli ay socotay diiwaan gelinta dhalinyarada ka mid noqoneysa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in qaraxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac tiro badan, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in labo tuk-tuk ah oo loo yaqaan (auto rickhaws) ay qaadeen dhaawacyada, kuwaas oo si degdeg ah loogu qaaday goobaha caafimaadka. Qaraxan ayaa si gaar ah loola beegsaday goob lagu diiwaan gelinayay ciidamada la qorayay, taasoo muujineysa in weerarka uu ahaa mid si taxadar leh loo qorsheeyay.

Ciidamada amaanka ayaa durbadiiba xiray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano xoogan oo lagu ogaanayo cida ka dambeysay weerarka. Waxaa sidoo kale jirta cabsi laga qabo in qaraxyo kale dhacaan, taasoo keentay in si weyn loo adkeeyo ammaanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin weerarkan, mana jirto cid ilaa hadda sheegatay mas’uuliyadda weerarkan. Dhacdadaan ayaa dib u soo xasuusaneysa weerar kan la mid ah oo sanadkii 2023-kii ka dhacay xerada Damaanyo, markaasoo dhalinyaro badan oo ku biiray ciidamada Milatariga lala beegsaday.