|

Somaliland oo soo dhawaysay xeer Baarlamanka Maraykanku ansixiyay

Hargeysa (QJ)- Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhawaysay qorshe dhanka difaaca ah oo Baarlamanka Maraykanku meel mariyeen 14-ka bishan July oo shalay ku beegnayd, kaas oo saamaynaya siyaasadaha difaaca Maraykanka ee gobolo badan.

War kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Hargeysi ay soo dhawaynayso xeerka cusub oo taageeraya xidhiidh dhanka difaaca ah oo dhex mara Maraykanka iyo Somaliland. Waxa lagu sheegay warka xukuumadda Somaliland in Maraykanka ay kala shaqaynayaan sidii looga hor tagi lahaa joogitaanka Iiraan ee gacanka Cadan, saamaynta Shiinaha ee sii kordhaysa, la dagaalanka argagixisada, tahriibinta dadka iyo xayawaanka iyo hubka, waxaana la horumarin doonaa ganacsiga.

Halkan hoose ka eeg warka kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Somaliland:

 

Comments are closed