London Dec 07,2014(SDN/QJ)-Maata oo ay taariikhdu aheyd 6/12/14 abaaraa Sagaalkii Subaxnimo ayuu Airporka Caalamiga ah ee London Heathrow airport uu ka soo degay Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Daryeelka iyo Cadaalada ee UCID, Mudane
Aqoon yahan Jamaal Ali Xuseen, Waxaa Musharaxa saf balaadhan ku soo dhaweeyey oo is wada taxay Terminaalkii uu ka soo degay dhamaan Madaxdii Xisbiga Ucid ee laamaha UK oo dhan iyo Taageeroyaal tiro badan oo ka kala yimi Laamaha xisbiga ee Gobolada dalka Ingiriiska.
Waxaa Musharaxa lagu gudoonsiiyey qolka martida ee Terminaalkii uu ka soo degay Faraawilo aad uqurux badan, waxaana uu taageerayaashii xisbiga uu goobtaa uga jeediyey Khudbad xanbaarsan mahad naq badan oo ka qiireysiisey dhamaanTaageerayaashii Goobtaa isgu yimi. Mudo yar dabadeedna waxaa Aqoon yahan Jamal Ali Xuseen loo gelbiyey Hudheel aan ka fogeyn goobtaa oo loogu sii diyaariyey Hadhimo sharafeed casri ah oo ay kaftan kula wadaageen dhamaan taageerayaashii xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID ee goobtaa isugu yimi.
Waxaa idiin macalin ah indhihiina ee nala daawada sawiradan ku lifaaqan idinka oo aad uGu mahadsan.
Alleh Ayaa Mahad Leh,
Waa Billahi Towfiiq,
Tebiye: A/rahman fidhinle
West London
