|

Soomaalida New Zealand oo cabsi soo wejahaday,maxey tahay sababtu?

Christchurch April 01,2012(SDN)-Soomaalida ku nool dalka New Zealand ayaa cabsi weyni soo wejahday ka dib kolkii dhawaan ay laba ka mid ah Soomaalida dalkaa ku nooli galeen denbiyo saxaafadu aad u hadal heysay.

Nin Soomaali ah oo xanuunsanaya ayaa dhawaan midi ku weeraray dad fara badan oo marayay mid ka mid ah wadooyinka magaalada Christchurch.

Labo ka mid ah dadkii maalintaa uu weeraray ninka Soomaaliga ah ayaa dhawaacyo kala duwani ay gaadheen.

Sidoo kale Haweeney Soomaali ah ayaa iyaduna midiyo la raacday Duyuurad isaga gooshaysay laba magaalo oo dalkaa ku yaal.

Haweeneydaas ayaaa isku dayday in duyuurada ay afduubto,balse rakaabkii duyuurada ayaa qabtay.

Dhacdooyinkaas oo saxaafadu si weyn u hadal heysay ayaa keenay in Soomaalida New Zealand ay dareemaan cabsi saaid ah.

Caruuur Soomaaliyeed ayaa sheegtay in loo hanjabay,si qalafsana loola dhaqmay dhawaan.

Dadaka qaar ayaa joojiyay in ay habeenkii dibedda u baxaan ka dib kolkii ay dareemeen cabsi.

Haweenka Soomaaliyeed ee ku nool Christchurch ayaa qaar ka mid ihi joojiyeen in ay xidhaan dhawrka Soomaalida lagu yaqaano.

Waxa haatan biloowday wacyi gelin looga hortegayo in Soomaalida lala xidhiidhyi dhacdadaa ay geysteen labadaa ruux ee xanuunsanaya.

Chirstchurch ayaa waxa ku nool ilaa 400 oo Soomaali ah o dalkaa qaxooti ahaan ku tegay.

SDN-Christchurch

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed