|

Soomaaliland oo markale looga digay carqa;adeynta Hawada Soomaaliya

Muqdisho February 23, 2024 (QJ) -Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay khatarta ka imaan karta diyaaradaha dul maraya hawada Soomaaliya, gaar ahaan marka ay maraan hawada gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Fardowsa Cismaan Cigaal, ayaa sheegtay in diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya ee gobolada Waqooyi ee Somaliland lagu marin habaabinayo dariiqyada duulimaad ee la sameeyay. Waxay iftiimisay in tani ay keenayso khataro waaweyn oo aan la iska indho tiri karin.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay cadaysay inaanay sharci ahayn in Taawarka Hargeysa lala hadlo diyaarado aan ka soo degin ama ka duulin garoonkeeda.

Hadalkani waxa uu daba socdaa warar dhawaan ka soo baxay Hay’adda Duulista iyo Hawada Somalia oo Somaliland ku eedaysay inay sii kordhisay khatarta ka dhalan karta shilalka hawada iyo inay khalkhal galiyaan diyaaradaha isticmaala hawada Somaliya. Hadalkan ayaa sidoo kale ku soo beegmaya iyadoo dhawaan Madaxweynaha Somaliland uu sheegay in Hargeysa ay sii wadi doonto qalqalgelinta diyaaradaha ee ka dhaca hawada Soomaaliya.

Comments are closed