|

Soomaaliland oo wejeheysa dhaqaale burbur dagaalkii Sool dabadii

Hargeysa September 26, 2023 (QJ) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in dhaqaalaha Somaliland uu si weyn u saameeyey, gaar ahaan tan iyo markii ay gubteen labadii Suuq ee ugu waaweynaa , isla markaana ay bilowdeen colaadaha gobolka Sool.

Wasiir Shire oo kulan la qaatay guddiga dhaqaalaha ee golaha wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in xoolaha nool ay si wanaagsan u socdaan, balse dhaqaalaha suuqa uu hoos u dhac weyn ku yimid.

“Xooluhu sanadkan meel fiican ayay marayaan, roobkuna wuu da’ay, xooluhuna way caafimaad qabaan, laakiin qaar badan ayaa ku khasaaray roobabkii xad dhaafka ahaa, hase yeeshee, waxa suuqayada dhaqaale hoos u dhac ku yimid, gaar ahaan suuqa magaalada Wajaale oo ay dadku ku nool yihiin. si xun baa loo garaacay, dhaqaalaheenna saamayn ku yeeshay,” ayuu yidhi Sacad Shire.

Xirnaashaha suuqyada Waaheen, Wajaale iyo colaada ka taagan magaalada Laascaanood ayaa runtii saamayn wayn ku yeelatay dhaqaalihii Somaliland, waxaana xidhmay suuqyadii Bariga oo dhaqaale badan ka soo gali jiray Somaliland, taas oo xaalada sii xumaynaysa.

Sidoo kale, ganacsatadii ka soo jeedda maamul-goboleedka Itoobiya ayaa inta badan badeecadahooda u soo wareejiyay Puntland, taas oo dhibaato dhaqaale ku keentay Somaliland.

Comments are closed