|

Ciidamo Itoobiyaan ah oo galay Degmeda Dooloow iyo dagaal halkaa ka dhacay

Dooloow Septe,ber 26, 2023 (QJ) -Wararka ka imaanaya degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa ku waramaya in maanta halkaasi uu ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo gudaha u galay degmadaasi.
Sida xogta aan kuhelayno dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada Itoobiya ay galeen dhowr goob oo muhiim ah oo Doolow katirsan, waxaana dadka deegaanadaas laga mamnuucay in ay u dhaqaaqaan ciidamada dowladda.

Iska horimaad dhex maray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo loo diiday inay gudaha u galaan deegaannadaas, ayaa sababay iska-horimaad muddo kooban socday oo labada dhinac dhexmaray.

Ilaa hadda ma cadda inta uu la egyahay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay iska horimaadkaasi, waxaana markii dambe isaga baxay ciidamadii Itoobiya ee galay magaalada. Sidoo kale, qaar ka mid ah xaafadaha Doolow ayaa lagu arkay ciidamo aad u fara badan.

Ilaa hadda lama oga ujeedada dhabta ah ee ka danbeysa in ciidamada Itoobiya ay gudaha u galaan Doolow iyo sida ay ula falgaleen Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo ah nin caan ka ah Gedo, inkastoo wararka deegaanka ay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay damacsanaayeen inay magaalada ka saaraan iyo arrimo kale oo macquul ah. Hoyga uu Barre Hiiraale ka degan yahay Doolow ayaa lagu soo waramayaa in ammaankiisa aad loo adkeeyay, iyadoo ciidamo badan la dhigay si ay u difaacaan.

Soo galitaanka ciidamada Itoobiya ee Doolow maanta ayaa u muuqda mid abuuray xiisad, balse waxaa soo baxaya xaaladda dhabta ah ee ka dhalatay dhacdadan.

Comments are closed