Muqdisho (QJ) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa shir-gudoomiyay kulan hal maalin ah oo ay ka soo qeyb galeen 60 qof oo isugu jira mas’uuliyiin iyo khubaro ka kala socday hay’adaha dowladda federaalka iyo kuwa Qaramada Midoobay ee ka howlgala Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNTMIS. Ujeeddadeedu waxay ahayd diyaarinta jadwal faahfaahsan oo ku saabsan kala-wareejinta hawlaha xafiiska siyaasadda UNTMIS ee dawladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo hay’adaha Qaramada Midoobay sannadkii hore.
Wasiirka ayaa khudbadiisa ku sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo doorka Qaramada Midoobay ay ka qaadaneyso dadaallada lagu dhisayo dowladnimada Soomaaliya. Waxa uu carabka ku dhuftay in dowladda Soomaaliya ay horumaro la taaban karo ka sameysay dhinacyo kala duwan, islamarkaana wax walba ay u weecdeen. Wuxuu xusay in marka la soo gabagabeeyo xilliga kala guurka ee labada sano ah, QM iyo dhammaan hay’adaha ka howlgala Soomaaliya ay barnaamijyadooda iyo mashaariicdooda ku saleyn doonaan Qorshaha Qaranka ee KMG ah (NTP).
Wasiirka ayaa kula dar daarmay ka qeyb galayaasha in xilliga kala guurka loo maareeyo si macquul ah oo nidaamsan, iyadoo howl kasta si taxadar leh loo qiimeeyo loona xilsaaro hay’adaha dowladda ee ku haboon waqtiga ku habboon.
Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Danjire James Swan, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.
