Canshuurtii oo laga daayay addega caafimaadka

Muqdisho (QJ) – Ka dib kulamo is daba joog ah oo muddo socday oo ay yeesheen mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda iyo wakiillo ka socday bahda caafimaadka iyo isbitaallada dalka, ayaa maanta si rasmi ah loogu dhawaaqay natiijo miro dhal ah. Waxaa shaaca laga qaaday in la baabi’iyay canshuurtii laga qaadi jiray adeegyada caafimaadka ee isbitaalada iyo xarumaha caafimaadka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda C/qaadir Cilmi Xaange, ahna ku simaha Wasiirka Maaliyadda ayaa faah faahin ka bixiyay kulamadii ay la qaateen bahda caafimaadka iyo Ururada ay ka midka yihiin. Wuxuu carabka ku adkeeyay in heshiis buuxa laga gaaray siyaasada canshuuraha iyo qaab dhismeedka lagama maarmaanka u ah isbitaalada.

Dhinaca kale, bahda caafimaadka ee ka soo qeyb galay kulanka ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay la shaqeynta Wasaaradda iyo u adeegidda bulshada, iyagoo sheegay in wada shaqeyntaasi ay muhiim u tahay horumarka bulshada Soomaaliyeed. Waxa kale oo ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin hindisaha ay Wasaaraddu samaysay.