|

Soomaaliya oo ilbaabada u laabtay safaaradii Itoobiya ee Muqdisho

Muqdisho April 04, 2024 (QJ) -Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqday inay dalkeeda ka eriday safiirkii dowladda Itoobiya u fadhiyay caasimadda Muqdisho, waxayna amar ku bixisay in si deg deg ah loo xiro qunsuliyadaha ay dowladda Itoobiya ku leedahay magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labadan Qunsuliyadood la xirayo usbuuc gudihiisa.

Soomaaliya ayaa ku eedeysay Itoobiya inay faragelin ku heyso arrimaheeda gudaha, iyadoo sheegtay in falalkaasi ay wax u dhimayaan madax banaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Soomaaliya waxay ku amartay dublamaasiyiinta iyo shaqaalaha dowladda Itoobiya ee ka shaqeeya labada qunsuliyadeed inay dalka uga baxaan muddo toddobaad ah.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa go’aankan si rasmi ah ugu wargelisay dowladda Itoobiya, waxayna ka codsatay Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya u fadhiya inuu dib ugu laabto dalkiisa si uu wadatashi ula yeesho.

Dawladaha Puntland iyo Somaliland ayaa ka horyimi goaanka dawlada federalaka ee dalka looga saarayo diplomasiyiinta Ethiopia, laguna xirayo qunsuladaha Garoowe iyo Hargeysa.

Leave a Reply