Uncategorized

Soomaaliya oo ka qeybgashay markii ugu horeysay Tabarka da’yarta diblomaasiyiinta (Sawirro)

Ankara April 08 2013 (SDN)— Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka qeybgashay Tababarka da’yarta diblomaasiyiinta adduunka ee ka soconaya wadanka Turkiga .

Waxaa Magaalada Ankara ee Caasimadda Turkey si habsami leh uga soconaya Tababarkii 19-aad ee da’yarta diblomaasiyiinta adduunka ,iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya markii ugu horeysay si rasmi ah ay ugu dirsatay inuu uga qeyb-galo tababarkaasi Cabdulqaadir Maxamed Xuseen (Barqadle) oo ah Xogheynta guud ee Wasaaradda .

Tababarkani oo Sanadle ah ,soona qaban-qaabisay Akadeemiyadda diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa waxaa ka qeybgalaya da’yar diblomaasiyiin ah oo kala matalaya 70 dal oo kala luqad ,kala dhaqan iyo kala diin ah, iyadoo uu ka soconayo Dedeman Hotel Ankara tan iyo bilowgii bishan April ,waxaana la filayaa in la soo gaba-gabeeyo dhammaadka bishan , iyadoo furitaankiisii lagu casuumay inay goob-joog ka noqdaan 70 Safaaradood oo xarumo ku leh caasimadda wadankaasi oo Soomaaliya ay ka qeyb tahay .

Tababarayaasha ayaa waxa ay bixinayaan casharo la xiriira International Relations (IR), Politics iyo Economics , kuwaasoo loogu tala-galay in sare loogu qaado aqoonta ka qeybgalayaasha,loona suura-geliyo inay sameeyaan  isdhexgal iyo qeexidda dhaqanada ay kala wataan.