Uncategorized

Spain oo ku biirtay Xulafada ka carooneysa Mareykanka oo basaasay

Madrid Oct 28,2013(SDN)-Dalka Spain ayaa saxaafada waxa ay manta si weyn u hadal hayaan xog cusub oo ku saabsan Marerykanka oo basaasayay xulafadiisa reer Yurub mudo aad u dheer .

Jariiraduhu waxa ay sidoo kale hadal hayeen in madaxda dalkooda iyo shacabkaba Mareykanku isku si u dhegeysan jiray.

 

Waxaa soo if baxday xog oranaysa hay’ada amniga ee NSA ee dalka Mareykanka in ay bishii December ee sanadkii hore oo qura ay duubtay dhegeysatayna Malaalyiin reer Spain ah.

Jarmalaka Faransiisca Mexsico,Brazil ayaa iyaguna ka mid ah dalalka la basaasay.

Aqalka cad ee dalka Mareykanka looga taliyo ayaa haatan waxaa dul hoganaya daruur madow oo siyaasadeed,waxaanad mooda in Obama oo garan la’ayahay halka talo uu ugu haygaagi lahaa.

 

SDN-Madrid

contact@somalidiasporanews.com