Oog (QJ) – Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay maanta ka taagan tahay, waxaana weli isku hor fadhiya ciidamada maamulka SSC-Khaatumo iyo kuwa maamulka Somaliland.
Xaalada ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii la sheegay in maanta SSC ay ciidamo dheeraad ah geysay jiidaha hore ee dagaalka.
Ilo deegaanka ah ayaa daaha ka qaaday in ciidamadan ay ka soo kicitimeen magaalada Laascaanood, isla markaana ay gaadheen deegaanka Oog, halkaasoo ay ka samaysteen difaacyo ciidan. Ciidamadan oo ku qalabaysan gaadiidka dagaalka iyo hub culus ayaa waxaa hogaaminaya taliyaha guutada 4-aad ee SSC-Khaatumo G/sare Mubaarak Maxamed Warsame. Waxaana magaalada Oog ku qaabilay saraakiil iyo ciidamo kale oo horay ugu sugnaa.
Ciidanka SSC-Khaatumo ayaa ujeedadoodu tahay sidii ay u xoojin lahaayeen ciidamadii hore ugu sugnaa deegaanka si ay uga hortagaan weerar kasta oo kaga yimaada Somaliland.
Xaalada deegaanka ayaa wali kacsan, waxaana dadka deegaanka ay muujinayaan cabsi ku aadan in mar kale uu dagaal dhexmara labada dhinac. Somaliland ayaan wali ka hadlin ciidamada SSC ee la geeyey jiida hore ee Oog.
Horay waxaa gobolka Sool ugu dagaalamay ciidamada Somaliland iyo kuwa Khaatumo, waxaana weli xiisado colaadeed oo u dhaxeeya labada dhinac laga dareemayaa deegaano ka tirsan Sanaag iyo meelo ka baxsan.
