Bosaaso (QJ) – War saxaafadeed ka soo baxay dowladda Puntland ayaa lagu soo dhaweeyay duqeyn diyaaradeed oo caawa ka dhacday buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, kaasoo lagu bartilmaameedsaday kooxaha argagixisada ah ee Daacish.
“Dowladda Puntland oo waday howlgalo ay Puntland kaga sifeyneyso argagixisada Daacish, waxay u mahadcelineysaa saaxiibada caalamka, gaar ahaan Mareykanka iyo Imaaraadka oo gacan ka geystay howlgalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Dowladda Puntland ayaa sheegtay in Mareykanka iyo Imaaraatka Carabta ay ka qeyb qaateen duqeymaha lagu bartilmaameedsanayay argagixisada Daacish ee ku dhuumaaleysaneysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, duqeyntii ugu dambeysay ee maanta lagu dilay xubno sare oo ka tirsan Daacish.
Warku wuxuu intaa ku daray in howlgalka uu hadda galay wajigii labaad, iyadoo ciidamada Puntland ay guulo la taaban karo ka gaareen wajigii koowaad. Dawladdu waxay ku nuuxnuuxsatay inay ka go’an tahay sidii argagixisada Daacish looga sifeyn lahaa meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.
