|

SSC-Khaatumo oo eedesay dawlada dhexe

Lascaanood March 25, 2024 (QJ) -SSC-Khaatumo ayaa ku eedaysay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya in ay Somaliland u weecisay mashaariic horumarineed oo la doonayay in lada hirgeliyo gobollada SSC-Khaatumo, taas oo muujinaysa in dawladda Faderaalku wali aaminsan tahay in gobollada SSC-Khaatumo ay ka tirsan yihiin Somaliland.

Hogaamiye ku xigeenka SSC Dr. Maxamed Shiine ayaa sheegay in dowladda federaalka looga baahan yahay in si cadaalad ah loo qeybiyo mashaariicda horumarineed, iyadoo si gaar ah isha loogu hayo gobolada la dayacay sida SSC-Khaatumo.

Dr. Shiine waxa uu ku nuux-nuux saday inaanay aqbali karin in mashaariicdii SSC loogu talo galay in loo weeciyo Hargeysa, waxaanu xusay inay xukuumaddu hore u ballan-qaadday inaanay qaadin tallaabooyinkaas.

Hadalka Hogaamiye ku xigeenka ayaa yimid iyadoo dowladda Federaalka ay u qoondeysay lacag aad u badan oo dhan 60 milyan oo dollar oo loogu talagalay arrimo waxbarasho.

Gobollada loo qoondeeyay mashruucan oo socon doona muddo saddex sano ah kuma jiraan SSC-Khaatumo.

Comments are closed