Hargaysa 12. June 2017 (SDN/QJ):- Sucuudiga iyo Xulafadiisa iyo Qatar waxa ay muddo dheer heshiis ku ahaayeen dan.
Maanta wey colloobeen, waxaana ay ku coloobeen dan. Danta ay awal heshiiska ku ahaayeen iyo tey iminka ku coloobeenba iyaga ayaa inaga yaqaan.
Sucuudigu waxa uu dhawaan Soomaaliya u ballan qaadey dhaqaale aad u badan.
Iyada oo ay sidaa tahay, ayey Soomaaliya la safatey dawladda Qatar oo wey ka leexatey Sucuudiga iyo xulafadiisii.
Sababta ay Soomaaliya tallaabadaa u qaadey waa danta ay Soomaaliya ka leedahay Sucuudiga iyo xulafadiisa mid ka badan ayey ku qabtaa amma ka rajeyneysaa Qatara iyo Turkiga oo isku xulafo ah.
Danta ay Soomaaliya ku qabto Qatar iyo taageerada milatari iyo dal dib-u-dhis ee ay ku qabto Turkiga marna nacfigaa wax kamey siin Soomaaliland. Turkigu waxa uu taageero dhaqaale siiyey Soomaaliya. Waxa kale oo uu saldhig milatari ka sameystey Soomaaliya oo uu siiyo tababar milatari iyo mid bileysba. Waxaa dawladda Soomaaliya ka heshey Qatar iyo Turkey, Muqdisho ma soo dhaafo. Diyaaradaha QATAR AIRWAYS waxa ay bilowdey iney Soomaaliland soo durlmarto iyada oo fasax ka heysata dawladda Muqdisho.
Haddii qof walbaa dan yeeshey, Somaliland waa ku qasab iney dan yeelato. Danteedu waxa ay ku jirtaa hadba cidii taageero iyo walaaltinimo ay ka heleyso.
Waxa cad in aaney wax dan ihi uugu jirin iney Qatar la safato, maadama waxtarka Qatar iyo Turkey uu ku eegyahay Muqdisho oo keli ah. Taasi waxa ay Soomaaliland ku kaliftey iney Sucuudiga iyo xulafadiisa la safato. Golaha Wasiirada ayaa doraad soo saarey go’aan caddeynaya in Soomaaliland ay la safantahay Sucuudiga iyo xulafadiisa.
Carabtu sideedaba caadifadda ayaa ku baddan. Waxa muhiim ah in Soomaaliland ka faa’iideysato inta uu arinku kululyahay oo aanu hadal ka noqon:
- Waxa muhiim ah in dhakhso wefdi loogu diro Sucuudiga, imaraadka, Bahreyn iyo dalalka kale si loo tuso taageerada loo hayo. Waxa kale oo muhiim ah in inta arintu kulushahay laga soo helo taagero dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeedba.
- In Sucuudiga lagu qanciyo inu qusuliyad amma xafiis wakiil ka furto Soomaaliland.
- In Dawladda Sucuudiga laga codsado iney furto ganacsigii xoolaha.
- Waxa iayan muhiim ah in si kumeel gaadh ah loo xidho qusuliyadda Turkigu ku leeyahay Hargeisa, inta arintani dhan u dhaceyso.
Halka Turkey ay siiso Muqdisho dhaqaale gaadhaya hal bilyan oo dollar, Turkigu Soomaaliland waxba ma siiyo. Waxa keli ah ee ay dalka u joogaan waa basaasnimo.
Muxuu noqon karaa khasaaraha u weyn ee Soomaaliland soo gaadhi karaa?
Go’aanka Soomaaliland qaadatey waxa uu ka cadheysiin doona dawladaha Turkiga, Iran, Turki iyo inta hoosta kala socota.
Waxa khasaare noqon doonaa, haddii go’aanka Soomaaliland noqdo caadifad madhan oo aan looga faa’iideysan sidii uugu habooneyd.
Furasadaasi waxa haboon in looga faa’iideysto sida uugu weyn ee looga faa’iideysan karo.
Waxaa Qoraalkan Qoray oo aanu Ka Soo Xiganay Aqoonyahan Mohamed Ali Bile
