|

Suuqa Bakaaraha oo markale dab ka kacay

Muqdisho April 05, 2024 (QJ) -Saaka waxaa dab xoogan uu ka kacay markale qeyb ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho. Dabka ayaa ka bilowday agagaarka goob ay ku yaallaan tukaamo lagu iibiyo dahabka oo loo yaqaan dahablaha.

Inkastoo maanta oo Jimce tahay Suuqa ayaa si weyn looga dareemayay dhaq dhaqaaq ganacsi, maadaama ay soo dhawaatay Ciidul Fidriga oo ku beegan dhamaadka Bisha Ramadaan.

Dabka ayaa si degdeg ah ugu fiday qeybaha kale ee suuqa. Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq aad u badan iyo holac hareeyay goobta.

Gaadiidka dab damiska ayaa goobta gaaray si ay u damiyaan dabka. Dadka ayaa si degdeg ah alaabtooda ugala baxay ka hor inta uusan dabka sii faafin.

Ma cadda sababta keentay dabkan soo noqnoqday ee ka kacay suuqa Bakaaraha, mana jirto wax baaritaan ah oo lagu sameeyay, waxaana ka dhashay khasaare baaxad leh oo soo gaaray ganacsato badan.

Leave a Reply