|

Ciidanka Dawlada oo markale duqeeyay xeryo Al Shabaab leeyihiin

Muqdisho April 05, 2024 (QJ) -Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday deegaano dhaca xadka gobolada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe lagu beegsaday dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.

Sida ay sheegeen saraakiil u hadlay ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta, weerarkan lagu qaaday fariisimaha ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka ayaa waxaa ka dhashay khasaare xooggan oo soo gaaray dagaalyahannada Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa waxaa lala beegsaday fariisimo ay Maleeshiyada ku lahaayeen Jirjirfarey iyo Burka Fiiqey oo dhanka Waqooyi kaga beegan degmada Ruunirgood ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegtay in dhowr maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay weerarka, sidoo kalena lagu burburiyay gaadiid dagaal oo ay isticmaalayeen Al-Shabaab.

Diyaaradaha dagaalka ee dowladda ay taageerto ayaa inta badan la beegsada goobaha iyo fariisimaha ay ku sugan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana weeraradaasi ka dhasha khasaarooyin kala duwan oo soo gaara maleeshiyaatka maamulkaasi oo isugu jira Taliyeyaal iyo dagaalyahano.

Leave a Reply