Uncategorized

Syria oo goobihii ay hore u yiileen hubkooda Chemical-ka aha

Dimishiq Sept 13,2013(SDN)-Dawlada Syria ayaa la sheegay in ay ka rartay goobihii ay ku keydineysay hubka Chemical-ka ah ee la doonayay in laga dhigo.

Xogtan oo ka imaneysa bulshada sirdoonka reer galbeedka oo si weyn beryahan ugu hoolan sidii ay hubkaasi uga qaadi lahaayeen Syria.

Waxa xogtan si weyn dhegta ugu taagay dawlada Mareykanka oo dalbaneysa in Syria ay beesha caalamka ku wareejiso hubkeeda sunta.

Dawlada dalka Syria ayaan ilaa haatan ka hadal eedahan loo jeediyay.

Syria ayaa dhawaan ogolaatay in ay beesha caalamka ku wareejiso hubka Chemical-ka ah ee ay heysato.

Wararkan hoose ee soo baxaya ayaa sheegaya in hubka qaar dalka laga saaray halka qaar kalena ay sheegayaan in dalkaa guduhiisa uun meel ka mid ah la geeyay.

SDN-Dimishiq
contact@somalidiasporanews.com