Dawladda Suudaan oo ogolaaday in gobollada jabhaddu qabsadeen caawimo loo gudbin karo iyo heshiiska Khartuum-Jubba ee murankoodii Saliida
Khartuum August 5, 2012 (SDN/FT)- Dawladda Sudan ayaa Axadda maanta ogolaatay in caawimooyinka gargaarku u gudbi karaan gobollada dhinaca Koonfureed ee labada jabhadood qabsadeen. Sida uu ku waramay wargeyska Financial Times, kooxaha arrimaha bani’aadaminada u dhaqdhaqaaqaa waxay sheegeen in dagaalku galaaftay dadka shacabka ah oo Macaluul waajahaya. Ogolaanshuhu waxa uu yimi maalin keliya ka dib…
