Ra’isal Wasaare Cabdiweli Oo 2-bilood Kadib Magacaabay Wasiirka Amniga

    Muqdisho:July,09,2014(SDN/QJ)-Kadib markii uu Qarax Baarlamaanka laga Fuliyey Dartii isku casilay Wasiirkii hore ee Amniga somalia, ayuu muddo dheer kadib xalay Ra’isal wasaare Cabdiweli Magacaabay Wasiir cusub oo Amniga Somalia  yeelan doonto. Waxaa wasiirka amniga qaran xukuumada Soomaaliya loo magacaabay Khaliif Axmed Ereg oo ahaa taliyihii hore ee haya’dda nabad sugida qaranka ee gobolka Banaadir, sida…

    Read More

      Sirdoonka Djibouti Oo Aqallada Hargeysa Muwaadiniin Kala Soo Baxaya iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Wali Sii Wadda Ka-ganacsiga Shacabkeeda

      Hargeysa:July,09,2014(SDN/QJ)-Wali waxa  ay Xukuumadda Somaliland  sii waddaa Ka-Ganacsiga Muwaadiniinteeda, waxana Habeenkii  Xalay Sir-Doonka Dalka Jabuuti oo kaashanaya Ciidamada RRu-da ee Somaliland ay Gurigooda kala baxeen lamaane is qaba oo deganaa Xaafadda Jig-jiga yar ee magaalada Hargeysa. Lammaanahan Xaaska ah ee is Qaba oo magacyadooda la kala yidhaahdo Cabdilaahi Caawiye iyo Nuura Aw-yuusuf Odowaa, ayaa Qafaalashadooda…

      Read More

        Ciddii Fududaysay Weerarkii Xalay ee Villa Somalia Oo Warar Dheeraad ah Laga Helay

        Muqdisho:July,09,2014(SDN/QJ)-Warar aan si rasmi ah loo wada Xaqiijin oo ku saabsan cidda Habeenkii Xalay Kooxda Al-shabaab u fududaysay inay galaan Gudaha Hore ee Aqalka Madaxtooyada, ayaa ka soo baxaya Saraakiil Dawladda ka Tirsan. Wararkan ayaa la helay markii uu wasiirka Warfaafinta Somalia Mustaf Dhuxulow shaaciyey inay Gacanta ku Hayaan Wadaha Gaadhigii Kooxdan  Qaraxyada Geysatay Gudaha…

        Read More

          War Deg Deg ah: Ra’isal Wasaaraha Somalia oo Magacaabay Wasiirka Amniga,Taliyihii Ciidanka Booliska,iyo Saraakiishii amniga oo Fashilkii ku yimid uu Xilkii kaga qaaday

          Muqdisho 09.July 20014 (SDN/QJ)- R/wasaare Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa magacaabay wasiirka Amniga Qaranka, isagoo xilalkii ka qaaday taliyayaasha ciidamada Booliiska iyo nabadsugidda una magacaabay taliyayaal cusub. Wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dad waynaha xukumada Fereaalka Soomaaliya , Musftaf Sh.  Cali Dhulow oo shir jaraa’id  warbaahinta ugu qabtay    wasaradda warfaafinta   ayaa sheegay  in is badal …

          Read More

            Xasan Sheekh Oo Shaqadii Ka Caydhiyey Agaasimihii Madaxtooyada iyo Saraakiil Kale

            Muqdisho:July,09,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Dawladda Federalka Somalia, ayaa  Shaqadii ka caydhiyey Thaabit Axmed oo ahaa Agaasimaha Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia. Wararka laga helayo Xarunta Somalia looga Arrimiyo, ayaa sheegaya in madaweynuhu Qaraxii xalay kadib si weyn u shakiyey, isla Markaana Go’aansaday inuu shaqaalaha Madaxtoooyada wax ka beddelo, taas oo loogu horraysiiyey Agaasimihii hore ee Madaxtooyada. Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa…

            Read More

              Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Gilgishay Warar sheegay inuu Madaxtooyada ka Orday Weerarkii Xalay,Beeniyayna Inuu dhaawac soo gaadhay isagoo Cadeeyay inuu Nool yahay Daawo

              Muqdisho 09.July 2014 (SDN/QJ)- Shir jaraa’id uu madaxtooyadda ku qabtay Xasan Shiikh Maxamuud madaxwaynaha DF ayuu kaga hadlay weerarkii halista ahaa ee kooxda Alshabab kusoo qaaday Villa Smalia. Xasan Shiikh Maxamuud oo dadku ay ka sugayeen tilaabadan ay ka qaadi doonan kooxda Alshabab ayuu ku hadaaqay inuu nool yahay isla markasna uu dhex fadhiyo Villa…

              Read More

                Madaxweynaha Punt land oo Sagaal Sanno kadib Xayiraadii ka qaaday Wargayska Shacabka,Xili uu Baarlamanka Punt land gacanta ku hayo Xeer Saxaafada lagu hagayo

                Garowe 09.July 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Prof,Cabdiweli Maxamed Cali ayaa wareegto ku fasaxay Wargeyska shacabka oo Madaxweynihii hore Maxamuud Muuse Xirsi Cadde uu 2005 wareegto ku xanibay. Wargayska shacabka ayaa mudo 9 sano ka badan aan hawada soo galin,waxaana Madaxweynihii xiliga taladda dalka hayey ee Cadde Muuse uu albabada isugu dhuftay 05…

                Read More

                  Safiirka Cusub ee Talyaaniga oo Garowe Kulan Gaar ah kula qaatay Madaxweyne C.weli iyo arrimihii ay ka wada hadleen

                  Garowe 09.July 2014 (SDN/QJ)- Safiirka dowladda Talyaaniga u qaabilsan Somalia Ambassador Marcelli ayaa  Garowe kulan kula qaatay madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Qoraal kasoo baxay madaxtooyadda ayaa lagu sheegay labada masuul inay ka wada hadlen arrimaha xiriirka Talyaaniga iyo Puntland iyo mashaariicyo kala duwan oo deeegaanada Puntland ka socda. Ujeedka Ambassador Marcelli ee uu…

                  Read More

                    Madaxweyne Siilaanyo oo Gaadhi Gudoonsiiyay ardaygii ugu Sareeyay Tartan Qur’aan oo uu Qabanqaabadiisa lahaa,Khudbadihii laga Jeediyay {DHAGAYSO IYO SAWIRO}

                    Hargaysa 08.July 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Galabta Qasriga Madaxtooyada abaal marino kala duwan ku gudoonsiiyay arday ka socotay Gobolada dalka oo ka qayb qaadanayay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Khaliil C.laahi Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay sida ay Xukuumada uga go’an…

                    Read More

                      “Mashruucan dab-damiska waxa iska kaashaday madaxweynaha iyo dawladda hoose ee Hargeysa, waxaana laga raysan doona khasaarihii dabku dhalin jiray”Maayir Soltelko+ Sawiro

                      Hargeysa, 08.July 2014 (SDN/QJ)-Maayirka Hargeysa  iyo  xubno wasiiro ayaa maanta dhagax dhigay xarun dab-damis oo ay yeelanayso caasimadda Hargeysa, kaas oo xaruntii ugu weynayd laga furay magaaladda Hargeysa. Dab-damisyaddan ayaa waxa isla kaashaday dawladda hoose iyo madaxweynaha  Somaliland, kuwaas oo ugu talogalay inay xaafaddaha magaaladda Hargeysa u yeelan lahaayeen Dab-damis yareeya khasaaraha dabka uu dhaliyo…

                      Read More

                        Kooxda Alshabaab oo Sheegatay Mas’uuliyada Qaraxyadii Caaawa ee Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia

                        Muqdisho 08.July 2014 (SDN/QK)- Kooxda  Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda  weerarkii caawa lagu qaaday xarunta madaxtooyada ee magaaladda Muqdisho. Afhayeen u hadlay kooxda Al-shabaab oo lagu magacaabo, Cabdicasiis Abu Muscab ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay galeen qeybo ka tirsan xarunta madaxtooyadda ee magaaladda Muqdisho. Sarkaal ka tirsan dowladda oo codsaday…

                        Read More

                          Villa Somalia:Meydadka Oo La Kala Garan La’yahay iyo AMISOM Oo Dagaalka Kaga Baxday Ciidanka Dawladda

                          Muqdisho:July,08,2014(SDN/QJ)-Inkastoo ay xaddidan yihiin wararka laga Helayo weerarka lama filaanka ah ee Kooxda Shabaabku ku qaadday Madaxtooyada Somalia, Haddana waxa la sheegayaa inuu khasaaruhu ballaadhan yahay. Dagaallo Goos goos ah ayaa wali socda, waxana la maqlayaa rasaas nooca yar  yar ah, iyadoo meydad tiro badani daadsan yihiin Gudaha iyo afaafka hore ee Madaxtooyada dalka looga…

                          Read More

                            Dagaal Culus oo Caawa ka Dhacay Madaxtooyada Somalia

                            Muqdisho 08.July 2014 (SDN/QJ)- Koox hubeysan ayaa salaadii Makhrib ee caawa kadib weerar ku qaaday ciidan ku sugan fariisin ay ku leeyihiin agagaarka madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Wariyeyaasha  Muqdisho ayaa ku soo waramaya in rasaas xooggan iyo qarxyo laga maqlay dhinnaca Waqooyi ee madaxtooyada. Dagaal culus ayaa dhex maray  ciidanka dowladda iyo kooxda weerartay,…

                            Read More

                              Tartankii Xifdiga Qur’aanka Ee Qaybta Hablaha Oo Lasoo Gunaanaday Iyadoo Abaal-marino Kala Duwan La Siiyey Hablihii Ugu Sarreeyey +SAWIRRO

                              Hargeysa 08.July 2014  (SDN/QJ):- Tartankii Xifdiga Qur’aanka Kariimka ee qaybtii hablaha ee maalmahan ka socday masjidka Cali-Mataan, ayaa shalay gelinkii hore lagu soo gunaanaday masjidka Rusheeye/Nuural Hudaa ee badhtamaha magaalada Hargeysa. Xaflad ballaadhan oo loo qabtay ardaydii ka qayb-qaadatay tartankaasi ayaa waxaa kasoo qayb-galay qaar ka mid ah culimada waaweyn ee dalka. Waxaana halkaasi abaal-marinno…

                              Read More

                                Golaha Wasiirrada oo xalay kulan la qaatay laamaha ammaanka dalka iyo Gudiga Difaaca ee Baarlamaanka

                                Muqdisho, July, 07, 2014(SDN/QJ)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyayaasha laamaha Ammaanka, Maamulka gobolka Banaadir, Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka, ayaa xalay magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlayay ammaanka dalka, waxaana kulanka shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed. Furitaanka kulanka waxaa ka hadlay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli, wuxuuna ka warbixiyay kulan…

                                Read More

                                  Halkan Ka daawo shirkii jaraa’id ee odayaasha besha bariga hargeisa

                                  Hargeisa July 08,2014(SDN/QJ)-Odayaasha beesha Cise Muuse  oo shir jaraaid manta qabtay ayaa ka digay  in  biyaha la soo jiidayo  bariga magaalada hargeisa laga daayo, waxayna ku sheegen  hagardaamo iyagoo sheegay  in  ay  iyaguba udaba fadhiisanayan  dawlada balse  aan  haatan loo baahnayn  ina cid gaari  ahi dooneyso in ay  la wareegto  maalmulka biyaha Caasimada.

                                  Read More

                                    Halkan Ka Daawo Dhagax Dhigidii Xarunta Ciidanka Dab-damiska somaliland

                                    Hargeisa8/7/2014 (SDN/QJ)wasiirada arimaha gudaha iyo maaliyada maayaraka caasimaha hargeisa iyo taliyasha ciidanka boloska iyo bada ayaa maanta dhagax bdhigay  xarun  ay yeelandoonan ciidanka dabdamiska  somaliland ayaa  waxa halkaasi  ka hadlay wasirada maaliyada arimaha gudahaiyo waliba duqa caasimadani hargeisa oo sheeegay  in ciidanka loo soo tababari doono nooga baadka lo damiyo  iyadoo uu dhulkaasi  uu bixiyey…

                                    Read More

                                      Taraafikada Muqdisho Oo Ciidamo Ilaalo u ah Loo Sameeyey

                                      Muqdisho:July08,2014(SDN/QH)-Ciidamada Ilaalada waddooyinka Muqdisho ee loo yaqaano Taraafikadda ayaa loo sameeyey Ciidamo boolis ah oo gaadh u ah iyaga. Saaka ayaa markii ugu horraysay lagu arkay  Badhtamaha waddooyinka Muqdisho ciidamo Boolis ah oo ilaalinaya Ciidamo Taraafiko ah, taas oo muujinaysa Cabsida haysa Ciidanka ilaaliya Waddooyinka. Ilaalada loo sameeyey Ciidanka Taraafikada ayaa ka dambeysay dilal Maalmihii…

                                      Read More

                                        Xarun Ciidamada La Dagaallanka Dabku Yeelan Doonaan Oo Hargeysa Laga Dhigay

                                        Hargeysa:July,08,2014(SDN/QJ)-Xarun ay yeelan doonaan Ciidanka Dab-demiska Somaliland, ayaa maanta Laga dhagax dhigay Badhtamaha Caasimadda Hargeysa. Xaruntan cusub ee ciidanka Dab-demiska ayaan noqon doonta agagaarka Wasaaradda Deegaanka Somaliland, waxana munaasibadii lagu dhagax dhigayey ka qayb galay   Wasiirka Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran Cade, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyey Guuto C/laahi…

                                        Read More

                                          Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka Socday Shirkada Bollare ee xaga Dekeda

                                          Hargeisa 8/7/2014(SDN/QJ) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka Socday Shirkada Bollare ee xaga Dekeda ku shaqada leh  saldhigeeduna yahay Dalka France oo uu hogaaminaayey Madaxweynaha Shirkadaasi Mr Dominique Lafont.waftigan  ooy  madaxwaynaha ka wada hadlen  sidii Somaliland dakadaheeda loo horumarin lahaa  iyaguna waxay  ka mahadceliyen  sida wacan…

                                          Read More