“waxaan ka rabnaa diyo 100 halaad ama in ay noo qisaasaan askariga waday baabuurka dilay marxuumka oo ka tagay toddobo carruur ah” Suldaan Axmed
Muqdisho:29-Jan-2014 (SDN)-Qoyska iyo Ehelka Ninkii shalay Ciidanka Amisom ku Dileen Magaalada Muqdisho, ayaa Markii ugu horraysay war ka soo Saaray meesha ay wax u marayaan. Qoyska ayaa sheegay inay Maanta Kulamo la leeyihiin Saraakiisha AMISOM si la isula meel dhigo Mag-dhawga laga Bixin Doono Wiilka la Jiidhay. Suldaan Axmed oo adeer u ah marxuum Salaax…
