Guurtida oo dood Wadaag ka Leh Siyaasada Arrimaha Gudaha iyo Dibada ee Somaliland

    Hargaysa 28.Dec 2013 (SDN)- Golaha Guurtuda ee jsl ayaa fadhigoodii maanta oo uu shirgudoominaayey Gudoomiyaha Golahahaasi md saleebaan maxamuud Aadan ,ayaa mudanayaashu waxay kaga doodeen   siyaasadda arrimaha Gudaha iyo Dibadda ee dalka. Mudanayaashii dooda maanta ka qayb qaadanaayey ayaa waxay si gaara u tilmaamayeen inuu maanta dalku nabadyahay , waxaanay xukuumadda u soo jeedinaayeen in…

    Read More

      Xukuumada Somaliland iyo Gaadiidlayda Booyadaha oo Isla Qaatay in Wada hadal ay ka Galaan Korodhka Cashuurta laga Gadooday

      Hargaysa 28.Dec 2013 (SDN)- Wasiirka arimaha gudaha Somaliland  Mudane Cali Maxamed Waran-cadde Iyo Gaadiidlayda Booyadaha ee Caasimada Qaybo ka mid ah Gaadhsiiya Biyaha ayaa ku Heshiisiyay in Si Wada Jir ah ay uga wada Xaajoon doonaan Korodhka Cashuurta ay Cabashada ka Muujiyeen iyadoo la Isla qaatay in dib ay u hawl galaan Gaadiidka booyaduhu si…

      Read More

        Mudaharaadyo Lagaga Soo Horjeedo Surmiga Biyo La’aanta oo ka socda degmadda Maxamuud Haybe ee Caasimadda Hargeysa

        Hargaysa 28.Dec 2013 (SDN)- Mudaharaadyo lagaga soo horjeedo biyo ;a’aan soo food saartay degmooyinka Maxamuud Haybe, Axmed Dhagax iyo Gacan-libaax ayaa ka socda degmadda Maxamuud Haybe ee Caasimadda Hargeya , waxaana kala xidhan jidka Total, mana jiro wax gaadiid ah oo u gudbaya dhinaca Calaamadaha iyo Sayladda midna. Dadka Mudaharaadaya ayaa walaac ka muujiyay biyo…

        Read More

          Kulan lagu darsayo Sidii Macluumaad Sugan looga Heli lahaa Heerka ay Faro Xumaynta Haweenku ka Marayso Somaliland oo Hargaysa ka Furmay

          Hargaysa 28.Dec 2013 (SDN)-Wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha bulshada Marwo Shukri Xariir Ismaaciil ayaa maanta magaalada hargaysa ka furtay aqoon isweydaarsi ku saabsan sidii xog sugan looga heli lahaa heerka ay Somaliland ka marayaan faro xumaynta haweenka iyo ku taccadiga caruurta. Aqoon is weydaarsigan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka suxufiyiinta ee WIJAayna ka qayb qaadanayaan…

          Read More

            Mareykanka oo sheegay in ciidamo uga xiran yihiin Liibiya

            Washington(SDN)-Dawlada Mareykanka ayaa markii u horeysay shaacisay in Liibiya ayaa xabsiga u taxaabtay tiro ka mida ciidamadeeda ku sugan magaalada Tripoli. Wasaarada Arrimaha Dibbedda ee dalka Mareykanka ayaa soo bandhigtay ismaandhaafka ku xeeran xadhiga ciidamadan. Afhayeenka wasaarada arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka Jen Psaki ayaa sheegtay in aaney dawladeeda u cadeyn sababta ciidamadan loo xidhay….

            Read More

              Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Lagu Yasay Nairobi iyo Masuuliyiinta Kenya Oo Ka Muquurtay Soo Dhaweyntiisa

              Nairobi:28-Dec-2013(SDN)-Madaxweynaha Dawladda Federlka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo khamiistii ka Degey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Nairobi, ayaan ka Helin wax Soo Dhaweyn ah Dawladda Kenya.   Madaxweynaha ayaanu haba yaraatee Hal masuul oo ka Tirsax Dawladda Kenya kaga Hortegin garoonka uu ka soo degay, waxana kaliya la arkayey iyadoo ay soo dhaweynayaan masuuliyiinta…

              Read More

                Dawlada Suudaanta Konnfureed oo Xabad joojin aqbashay madax mucaaridka ka midana sii deysay

                Nairobi Dec 28,2013(SDN)-Dawlada dalka Koonfurta Suudaan ayaa sheegtay in ay aqbashay xabad joojin ay soo jeediyeen madaxda dawladaha ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD. Dawlada Koonfurta Suudaan ayaa sheegtay in ay hakineyso hawlgal balaaran oo ay dib ugu qabsaneyso gobolka Unity State ee shidaalka qaniga ku ah. Soojeedinta xabad joojinta ee madaxda IGAD oo laga soo…

                Read More

                  Nabad-doon Xalay La Khaarajiyey iyo Xaaladda Deegaanka Afgoye oo Saaka Kacsan

                  Afgoye:28-Dec-2013(SDN)-Wararka ka soo Baxaya  Deegaanka Afgoye ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in halkaas xalay lagu dilay Nabadoon caan ahaa ee Deegaankaas u dhashay.   Shacabka halkaas ku dhaqan ayaa sheegaya inaan si fiican loo aqoonsan cidda ka damabysay dilka Nabaddoonka, waxana  ay sidoo kale tilmaameen inay saaka dhulkaas ka taagan tahay cabsi baahsan oo…

                  Read More

                    Madaxweynaha Djibouti Oo Ku Dhawaaqay Inay Ciidan Dheeraad ah Diri Doonaan Somalia

                    Djibouti:28-Dec-2013 (SDN)-Iyadoo uu kor u kacayo Dagaalka ay ciidanka Djibouti ku hayaan  Kooxaha Al-shabaab ee Somalia ka Dagaalama,  ayuu mar Kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle sheegay inuu ciidan dheeraad u diri doono.  Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ciidamadaas ay ka ambabixi doonaan dalka Jabuuti laba ama Saddexda toddobaad ee…

                    Read More

                      Cabdiqaasim Salaad Oo Farta Ku Fiiqay Waddamo Deris ah Oo Somalia Ka Degi La’dahay, Ra’isal wasaaraha Cusubna Talooyin u Guntay

                      Cairo:28-Dec-2013 (SDN) –Madaxweynihii Hore ee Somalia Cabdiqaasim Salaad Xasan, ayaa ka Hadlay Dhibaatooyinka Siyaasadeed iyo Kuwa Maamul ee ka Jira Somalia tan iyo intii ay Burburtay Dawladdii Dhexe ee Somalia. Cabdiqaasim oo ku sugan magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, ayaa  isagoo u warramay Qaar ka mid ah warbaahinta tilmaamay inuu il gaar ah ku…

                      Read More

                        Beelaha Gaboobe Oo Ku Dhawaaqay Inay Somaliland Caddaalad Darro Uga Tegayaan

                          Hargeysa:28-Dec-2013(SDN)-Waxa sii Kordhaya Kala Fogaanshaha u dhexeeya Xukuumadda  Somaliland iyo Beelaha Laga Tirada badan yahay ee Waddanka Ku Nool, kadib qulqulatooyin cabashooyin iyo cadaadis ah oo Beeshu tirsanayso.   Waxgaradka iyo Cuqaasha Beesha Muuse Dheriyo ee ku Nool Somaliland, ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqay inay yaqiinsadeen inaan somaliland waxba u oollin, sidaas darteedna…

                        Read More

                          Musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga ucid oo soo gadhay Uk mudane C/rashiid Xasan Mataan

                          London28Dec13(SDN)  london 28Dec13 Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga ucid  mudane C/rashiid Xasan Mataan ayaa soo gadhay caasimada wadankan uk ee london  musharaxa ayaa waxa Heathrow Airport   ku soo dhaweyey xoghayaha waxbarashada Fawsi Xaji Yusuf, Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga ucid laantisa Uk Xuseen Mike Gudoomiye ku xigeenka labaad Xuseen Bisad,Xoghayaha xisbiga Ucid Cabdilaahi cumar shaqale , Gudoomiyaha Garabka…

                          Read More

                            Waa Barnamij Cusub oo la Magac Baxay Falanqeynta Kulul iyo Maxamed Ibraahin Qabo(Reer Dunbuluq Dhawaan labada gacmood bay ku meran donaan) oo waraysigii u horyey siyey Dawasho wacan

                            London 28Dec13(SDN) Waa Barnamij Cusub oo la Magac Baxay Falanqeynta Kulul oo idiin soo jeedin dono Wariye Maxamed Luqmaan oo iska kashan donaan warbaahinta qurbejoog warysiyo xiiso badan oo dhamaan siyaasinta reer uk ku sugan oo aad kaga bogan dontaan waraysigii u horeyey ayaa waxaan idinku haynaa waraysi xiiso badan Maxamed Ibraahin Qabo(Reer Dunbuluq Dhawaan…

                            Read More

                              Shan laash oo la Gudoonsiiyay Iskaashatada Kalluumaysiga ee Saylac

                              Saylac 27.Dec 2013 (SDN)- Badhasaabka Gobolka Salal ayaa shan laash ka gudoomay Ururka Dhalinyada Ramad,  oo wakiil ka ahaa Ururka Samafalka Gobolka Salal ee Hudoon Human Development Organization  Network oo ugu deeqay iskaashatooyinka kalluumaysiga ee degmooyinka Saylac iyo Lughaya.   Badhasaabka Gobolka Salal C/laahi Faarax Meydhane ayaa waxaa gudoonka gaadiidkan ku wehelinayay Isuduwaha wasaarada kalluumaysiga …

                              Read More

                                Maamulka Madaarka Caasimada oo ka hadlay in Shirkad Gaar ah Kooto loogu Xidhay Gaadiidka Tagaasida ah

                                Hargaysa 27.Dec  2013 (SDN)- Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa Maxamed Yuusuf  Ismaaciil ayaa maanta ka hadlay cabasho iyo eedo ka yimid qaar ka mida tagsiilayaasha qaada rakaabka madaarkaasi ka soo dega. Maamule Maxamed Yuusuf  oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaarka ayaa sidoo kalena beeniyey ka ganacsiga Madaarka ay maamul ahaan…

                                Read More

                                  Madaxda Igad oo Ugu Baaqay Madaxweynaha iyo Ku Xigeenka Konfurta Sudaan inay Joojiyaan Dagaalka

                                  Nairobi 27.Dec 2013 (SDN)- Madaxda IGAD oo Maanta oo Jimco ah  kulan ku yeesheen xarunta dalka Kenya ee Nairobi ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay ka soo saareen shirka Xaaladaha Murugsan ee dalka South Sudan. Warsaxaafadeed Madaxda IGAD ayaa lagu sheegay in si dhaqso ah dagaalka loo joojiyo, 10 Maalmood gudahooda la furo Wadahadalo u dhexeeya…

                                  Read More

                                    “Dadka guud ahaan ku dhintay dagaaladan waxay gaarayaan ku dhawaad 200 oo qof, waxaana ku jira 9 qof oo Somali ah” Soomaali lagu dilay Yemen

                                    Sanca 27.Dec 2013 (SDN)- Inta la ogyahay 9 ruux oo Soomaali ah ayaa ku dhinntay 43 kalena way ku dhaawacmeen dagaalo ka socda Magaalo yar oo lagu magacaabo Damaad oo ku taala Waqooyiga dalka Yemen. Dagaaladan oo u dhexeeya Kooxo Islaamiyiin ah oo Shiico iyo Sunni ah ayaa waxay deegaankaas ka socdaan Sadex Bilood iyadoo…

                                    Read More

                                      “Waa wax aad u foolxun dhaqanka ku saleysan daadinta dhiigga dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan” Ra’isal Wasaaraha Somalia

                                      Muqdisho, December 27, 2013 (sdn)-Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Askartii iyo dadkii rayidka ahaa ee maanta ku geeriyooday qarax ay kooxo dhagar qabayaal ahi ka geysteen degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. “Waa wax aad u foolxun dhaqanka ku saleysan daadinta dhiigga…

                                      Read More

                                        Wasiirka Arrimaha Guddaha ee Somaliland oo Maanta ku soo laabtay Caasimada Hargaysa

                                        Hargaysa 27.Dec 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha ee JSL Md Cali maxamed warancadde oo muddooyinkii dambe socdaal shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa aya maanta oo jimce ah dalka dib ugu soo laabtay.   Wasiirka oo ay garoonka diyaaradaha ee Egal Intranational Airport ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiirada, salaadiin iyo dadweyne faro…

                                        Read More