War Deg Deg ah “Ra’isal Wasaaraha Somalia oo Xilkii laga Xayuubiyay isaga iyo Xukuumadiisa”

    Muqdisho 02.Dec 2013 (SDN)- Waxaa lasoo gaba-gabeeyay codeyntii loo qaadayay xukuumadda ra’iisul wasaare Saacid, kaddib iyadoo xildhibaanada ay si aqlabiyad ah codka ugu diideen xukuumadda. Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay natiijada, isagoo sheegay in 249-xildhibaan ay codkooda dhiibteen, ayna 184 xildhibaan oo ka mid ahna ay ogolaadeen in xukuumadda kalsoonida lagala…

    Read More

      Khudbadii Ugu Dheerayd oo Goodi,Garnaqsi iyo Baane ah oo Ra’isal Wasaare Saacid Maanta Ku sii Wadacay Xilkiisii {DHAGAYSO}

      Muqdisho 2 Dec 2013 (SDN) Ra’isal Wasaaraha dawlada Federaalka ee Somalia Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa Khudbadii Ugu dheerayd kaga hadlay Maanta Khilaafka Soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud Soo kala dhex galay iyo aragtidiisa Mooshinka Maamuus ka Xayuubinta ah ee Baarlamanku ku guda Jiro . Ra’isal Wasaare Saacid ayaa Xalka…

      Read More

        Maamuus ka Xayuubintii Ra’isal Wasaare Saacid oo Maanta iyo Beri la filayo iyo Dood Xasaasi ah oo Weli socota

        Muqdisho 02.Dec. 2013(SDN)- Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah billaabay doodda mooshinka ka dhanka ah raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon. 247 xildhibaan ayaa ka qeyb-galaya doodda, waxaana is diiwaan-geliyay in ka badan 80 xildhibaan oo doonaya inay ka hadlaan kulanka, kuwaas oo midkiiba loo qoondeeyay min saddex daqiiqo. Xildhibaan Cabdiraxmaan…

        Read More

          Wasiirka Caafimaadku Muxuu kala Kulmay Socdaalkii uu ku Tagay Wadanka Jabuuti

          Hargaysa 02.Dec 2013 (SDN)- Wasiirka wasaarada caafimaadka J S L  Mudane Saleebaan Ciise Axmed [ xaglo toosiye] ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay dafar shaqo oo uu ku tagay dalka aynu jaarka nahay ee Jamhuuriyadda Jabbuuti. Ujeedada safarka wasiirka wasaarada  caafimaadka  Somaliland ayaa la xidhiidhay  hawlo shaqo  oo…

          Read More

            Xaflad aad u weynoo lagu soo dhawaynayey musharaxa madaxwayne ku xigeen ee xisbiga UCID Mudane C/rashiid Xasan Matan oo ka dhacday Minnesota (USA)

            Minnesota 02Dec13(SDN)  Habeenkii xalay ahaa ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota xaflad aad u weyn oo lagu maamuusayay ku xigeenka musharaxa madaxweyne ee UCID, mudane C/rashiid Xasan Mataan. Xafladaas oo ahayd mid run ahaantii aad iyo aad looga soo shaqeeyay ayaa waxa iskugu yimid dadweyne aad iyo aad u tiro badan oo ka…

            Read More

              Kulan balaadhan oo ay isugu yimaden gudida wadad cad ee beesha Hargaysa iyo salaxlay ee magalada Birmigham

              Birmingham 02Dec13(SDN) Kulan balaadhan oo ay isuguyimaden gudida wadad cad ee beesha Hargaysa iyo salaxlay ee magalada Birmigham ee dalka Ingiriiska aya lagu qabtay magaladas. kulankan waxa ka so qaybgalay, Shakhul baladka magalaga Hargaysa. Mudane Ismail Mahamed Ciise oo imika socdal ku joga dalkan Uk. waxanu gudida uga waramay heerka ay marayso wadada,iyo in markasta laga…

              Read More

                Taliyihii Ciidamada Jabuuti oo Hawlgab noqday iyo Gen Zakaria oo la wareegay hogaanka ciidamada Jabuuti

                i Jabuuti Dec 02,2013(SDN)-Taliyaha ciidamada Jabuuti Maj.Gen Fathxi Axmed Xuseen ayaa hawlgab galay mudo 54 sanadood oo uu ciidanka ka tirsanaa ka dib. Xilka uu ka degay Maj.Gen Fathxi Axmed Xuseen ayaa waxa la wareegay Maj.Gen Zakaria Sheekh Ibrahim. Munaasibadan ayaa waxa goobjoog ku ahaa madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md Ismaciil Cumar Geelle iyo saraakiil dhawr…

                Read More

                  Tartaan Isboortis oo da’yarta gobolka Mudug ugu soo gaba-gaboobey Gaalkacyo(Sawirro)

                  Gaalkacyo Dec 02,2013(SDN)-Waxaa garoonka cayaara ee magaaladda Gaalkacyo ee Cawaale ku soo dhamaadey tar tan kubada cagta ah oo u dhaxeeya da’yarta gobolka Mudug,waxana uu tar tankaan yahay mid looga goleeyahay in dhalinyarada   da’yarta ah looga jeediyo waxa dib u dhigi kara nolashooda,waxana sidoo kale ujeedada tar tankaan Isboortis uu ahaa mid saro loogu qaadayey…

                  Read More

                    Baarlamaanka Somalia Oo Maanta Soo Gebagebayn Doona Dooddooda iyo Shacabka oo Si weyn u sugaya Natiijada

                    Muqdisho:02-Dec-2013(SDN)-Waxa Maanta Dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba dhegahooda iyo indhahoodu ku fooraraan Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo dood ka yeelanaya Xil ka qaadista ra’isal wasaare Saacid. Xildhibaanada ayaa la doonayaa inay maanta soo gabogabeeyaan dooda ku aadan mooshinka ka yaala ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya, iyadoo maanta ay tahay maalintii seddexaad ee doodaasi. Xildhibaano dhowr…

                    Read More

                      Khilaafka Masuuliyiinta Somalia Oo Saameyn weyn ku Yeeshay Dakhligii Dawladda

                      Muqdisho:02-Dec-2013(SDN)-Khilaafka Cakiran ee u dhexeeya  Madaxweyne Xasan sheikh iyo Ra’iisal wasaare Saacid, ayaa saamyn weyn ku yeedhay Hay’adaha kale ee Dawladda. Hay’adaha uu khilaafkani saamaynta ugu weyn ku yeeshay waxa ugu horreeya Waaxda Garsoorka oo kalsoonidii iyo shaqo wanaaggii lagu yaqaanayba haatan gabaabsi ku jiro, islamarkaana habsami-u-socodkii shaqada garsoorku si aad ah isu dhintay. Sida…

                      Read More

                        Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Oo Wada Hadal kula Jirta Hoggaamiyaha Kooxda Awdal State iyo Kooxdaas oo ku dhawaaqday inay caydhiyeen

                        Hargeysa:02-Dec-2013(SDN)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la sheegayaa inay wada hadal meel fiican maraya la leedahay Madaxa kooxda fallaagada ah ee isku magacowday Awdal State rashiid Aw Nuur. Rashiid Aw Nuur Oo Muddo dheer dibad wareeg ahaa, islamarkaana wax taageero ah ka waayey Dawladda federalka ee Somalia, waxan uu dhawr jeer tegay magaalada Muqdisho, isagoo ka waayey…

                        Read More

                          Somalia Oo Dhiggeeda Somaliland kaga Hor Martay Magaca Halyeygii Dhawaan Geeriyooday ee Qaybe

                          Muqdisho:02-Dec-2013(SDN)-Xukuumadda Federalka Somalia ayaa kaga Hor martay sharfidda Halyeygii dhawaan Hargeysa ku Geeriyooday Hargeysa Axmed Maxamed Aadan Qaybe. Marxuum Qaybe oo ahaa Halyey Qiime weyn ku leh Taariikhda Somaliland, islamarkaana muddo dheer soo Ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka  Somalia, ayaa ay Xukuumadda Xasan sheikh si Gaar ah u sharaftay kuna magacowday   dhismaha ay wasaaradda Arrimaha Dibaddu ku…

                          Read More

                          Tababarihii Naadiga Fulham oo Hilfaha Loo Qaadey Maxaase Lagu Suusey? (BY Jaahuur).

                          London-England-02-Dec-2013-(SDN) Asxaabtay qubanaheena ciyaaraha waxaynu ku eegeynaa tababarihii naadiga Fulham oo daaqadda laga tuurey muxuuse qoonsadey? Aalaaba kooxaha ciyaarha kala gaddisan marka aay sannado ku salaaxin wax koobab ah,maamulka naadiyaashu waxay qoonsadaan in tababaraha hilfaha loo qaado laguna bedelo ku-xigeenkiisa ama mid cusub. Haddaba mulkiilaha naadiga Fulham Shahin Khan ayaa weydiistey in tababare MartJol katagoshaqada,bacdamaa naadigu 3-dex…

                          Read More

                            Xuska Maalinta AIDS-ka Adduunka oo Hargaysa lagu qabtay iyo Khudbadii Madaxweyne ku xigeenka {DHAGAYSO}

                            Hargaysa 01.Dec 2013 (SDN)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuriyada Somaliland Mud, C/raxmaan  C/lahi Ismaaciil Saylici, ayaa maanta ka qayb galay Xuska maalinta AIDS-ka Aduunka oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa. Musnaasibadda Xuska oo ay ka soo qayb-galeen,Wasiirka wasaarada Ciyaaraha dhalinyarada iyo dalxiiska ,Wasiir Xigeenka Wasaarada Caafimaadka,Madaxa Barnaamijka  AIODS-Ka  Somaaliland ugu qaabilsan  Hay’adda UNICEF ,Madaxa…

                            Read More

                              Wasiirada Diinta iyo Ciyaaraha oo ka hadlay Ahmiyada ay Leeyihiin Caruurta baahiyaha Gaarka ah qaba {DHAGAYSO}

                              Wasiirada wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta ,Ciyaaraha iyo wasiiru dawlaha wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare  ayaa  maanta ka qayb galay Kulan lagu maamuusayey Caruurta Baahiyaha gaarka ah qabta, isla markaasina loogu doodayo Xuquuqdooda  aasaasiga ah. Kulankan oo lagu qabtay, xarunta caruurta baahiyaha Gaarka ah qabta ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa si wada jir ah u soo…

                              Read More

                                Madaxweyne Siilaanyo oo ku Soo laabtay Goor dhawayd Caasimada Hargaysa iyo Mashaariic uu xadhiga ka soo Jaray iyo kuwo uu dhagax dhigay

                                Hargaysa 01.Dec 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ku Guda jira maalintii labaad ee socdaal uu ku marayo Gobolka Gabilay, ayaa maanta gaadhay degmada Allaybaday ee Gobolkaasi,Ka dib markii uu Xarunta Gobolkaas  ka furay Mashaariic horumarineed oo laga hir geliyey, Kuwa kalena dhagax-dhigay. Madaxweynaha  Jamhuriyada Somaliland Mud,Axmed  Maxamed Maxamuud ayaa …

                                Read More

                                  Ra’isal Wasaaraha Somalia oo Ganafka ku dhuftay eedaha Xukuumadiisa loo Xanbaariyay ee Baarlamanka La Hor geeyay

                                  Muqdisho 01.Dec 2013 (SDN)- Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ku gacan seyray eedaha loo soo jeedinayo xukuumaddiisa ee sababay in laga keeno mooshin ka dhan ah, kaas oo hadda uu baarlamaanku ka doodayo. War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska raysul wasaaraha ayaa lagu sheegay in eedeymaha mooshinka ku xusan…

                                  Read More