Madaxweyne Faroole oo Shaaciyay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Iyo Soo Xulista Xubnaha Baarlamaanka Punt land
Garowe 03.Dec 2013 (SDN)- Shir jaraa’id oo uu goor dhaw ku qabtay magaalada Garoowe madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole ayuu kaga dhawaaqay guddiga khilaafkaadka doorashada iyo waliba soo xulista baarlamaanka si loogu gudbo doorashada la fillayo in ay ka dhacdo Puntland 8 bisha January ee sanadka 2014. Waxaa uu sheegay madaxweyne Faroole…
