|

Taliyaha cusub ee AFRICOM oo Muqdisho gaadhay maanta

Muqdisho 29 Aug, 2022 ((QJ)- Taliyaha cusub ee ciidamada Maraykanka Afrika loona yaqaano AFRICOM ayaa gaadhay magaalada Muqdisho iyadoo uu noqonayo safarkii ugu horeeyay ee uu ku tago tan iyo markii la magacaabay Gen. Michael Langley.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya iyo taliyaha AFRICOM ayaa ka wadahadlay iskaashiga dhanka ciidamada iyo xoojinta taageerada Maraykanka uu siiyo ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira xagjirnimada.

Wasiirka ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka wuxuu ku boggaadiyay doorka AFRICOM ee horumarinta nabadda iyo amniga gobolka.

Gen. Michael Langley ayaa bishaan August 19-keedii la wareegay xilka taliyaha ugu sareeya ee Maraykanka u qaabilsan Afrika, isaga oo hoggaamindoona hawlgalada ciidamada Maraykanku ka wadaan Afrika.

Langley, oo noqday qofkii ugu horreeyay ee Afrikaan Mareykan ah oo ka tirsan ciidamada Marines-ka oo loo dalacsiiyo Jeneraal afarta xidigle ah, ayaa xilka kula wareegay  xaflad ka dhacday magaalada Stuttgart ee Jarmalka.

Waa ninkii labaad ee Afrikaan Mara ykan ah ee hoggaamiya taliska AFRICOM, oo ay ka joogaan ilaa 6,000-7,000 oo askari oo ku kala sugan guud ahaan qaaradda Afrika.

Comments are closed