|

Taliyaha Danab ee Puntland oo diiday in Dastuurka la furo

Garoowe July 19, 2023 (QJ) – Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Danab ahna ninka ugu cad cad mucaaradka Gaashaanle Sare Guuto Jimcaale Jaamac Takar ayaa mar kale ku celiyay diidmada ku dhaqanka dastuurka Puntland.

Korneyl Jimcaale ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay isugu yimaadeen ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka oo ka dhacay xarunta tababarka Ligle ee duleedka caasimadda Garoowe.

“Waan sii wadaynaa dagaalka ka dhanka ah meel marinta Dastuurka Puntland, taas oo aan aqbaleyn” ayuu yiri Jimcaale oo si adag ula hadlay ciidamada uu maamulo.

Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in aysan aqbali doonin in wax tanaasul ah laga sameeyo arrimihii ay u dagaalamayeen ee ay ku naf waayeen, iyaga oo aan la gaarin hadafkii laga lahaa.

“Ma aqbali doono nooc kasta oo tanaasul ah oo lagu sameeyo naf-hurnimadii aan galnay iyo nafaha aan ku waynay,” ayuu si adag u yidhi.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Madaxweyne Deni uusan awood u laheyn inuu kaligiis go’aan ka gaaro qabanqaabada doorashada 2024-ka oo uu ku tilmaamay mid been abuur ah.

Comments are closed