Uncategorized

Taliyihii Waada Socdaalka Muqdisho Oo Goor Dhaweyd Qudha Laga Jaray

Muqdisho:Nov,11,2014(SDN/QJ)-Taliyihii waaxda Socdaalka Garoonka Muqdisho Maxamuud Cabdi Caddow (Dhabareya), ayaa goor dhaweyd kooxo Hubaysani ku dileen toogasho xilli uu ku sugnaa Badhtamaha Magaalada Muqdisho.

BREEKINDilka Taliyaha, ayaa waxa uu ka dhacay agagaaraha Isgoyska KM4, kadib markii gaadhigiisa lagu horgooyay gaadhi kale oo uu watay,kadibna ay rasaas Huwiyeen Dablay aan Haybtooda la aqoonini.

Dableyda, ayaa ku baxsatay gaadhigii ay wadatay, waxaana loo maleynayaa inay yihiin isla dableydii maanta Degmada Xamar Jajab ku weerartay Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa.

Wadada lagu weeraray Sarkaalkan, ayaa waxaa buuxiyay Xoogaga Nabad Suggida Gobolka Banaadir, iyagoona goobtaasi ka qaaday meydka marxuumka, waxayna wadaan hawlgalo ka dhan ah raggii dilkiisii geystay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanenews.com