|

Tarsan oo ka badabaaday Isku day dil iyo hay’adda Nabad sugida oo ka hadashay

Muqdisho Jan 01 2013 (SDN)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmad Nuur Tarsana ayaa ka bad baaday iskuday dil oo lagu qaarijin lahaa Xili uu ka qegalay kulan laamaha Amaanka ay kulahayeen Xarunta maamulka Gobolka Banaadir,Sidoo kalane ay ka qayb galeen Gudoomiyaasha 16 degmo.

Mid kamid ah shaqaalaha Maamulka Gobolka ayaa la sheegay inuu qarax u gelin rabay gaariga uu gudoomiyaha Watay laakiin waa la fishiliyay Sida saraakiisha Dowlada ay sheegayso.

Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Khaliif Axmad Ereg oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in qaraxa la fishiliyay laguna hayo haatan gacanta ruuxii dhigi rabay oo uu Tilmaamay inay soo adeegsadeen Al-shabaab.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmad Nuur Tarsan ayaa bad qaba Maadaama laga hortagay qaraxa.

Comments are closed