|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo dhambaal hambalyada Sannadka Cusub Caawa u Diray Shacabka Somaliland

 

Hargaysa 31.Dec.(SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu hambalyo ku saabsan munaasibada dhalashada sannadka cusub ee 2013-ka u dirayaa dhamaanba shacbi weynaha reer Somaliland, munaasibada bilowga sannadka cusub awgeed oo ka mida munaasibadaha fasaxa qaran.

Madaxweynuhu waxa  uu hambalyo u dirayaa ayaa Qoraalkan oo uu Soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul lagu yidhi  dhamaanba shaqaalaha kala duwan ee dawladda ee shaqooyinka ka nasanaya, Gollayaasha qaranka iyo dhamaanba shacbiga reer somaliland meel kastay joogaanba.

 

Madaxweynuhu waxa uu illaahay uga rajaynayaa in sannadkan kiisa kale ay ku gaadhaan bash-bash, barwaaqo iyo horumar, sidoo kale shucuubta aduunka waxa uu u rajeeyey horumar iyo nabadgelyo.

 

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Hargaysa SDN

 

 

Comments are closed