Uncategorized

Tartan Loo Qabtay Odayaasha Ugu Gadhka Weyn Caalamka Oo Ka Dhacay Dalka Austria – Sawirro.

Leogang,6Oct,2015(QJ/SDN)-Tartankani oo ay ka qeybgaleen inkabadan 30 ruux oo lagu qiyaasaayo inay yihiin kuwa ugu gadhka dheer Caalamka ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Leogang ee dalkaasi Austria.


Dadka ka qeybqaadanaayay ayaa u badnaa Odayaal, waxaana usoo daawasho tagay dad aad u farabadan tartankaasi.

Tartankaasi ayaa kamid ahaa kuwa ugu cajiibka badan Caalamka, waxa ayna Odayaasha gadhka ku tartamaayay sheegayeen in dhaqaalo farabadan uu ku baxay kobcinta gadhkooda iyo daryeelkiisa.