Uncategorized

Tiro Kamid ahayd Saraakiishii Isku Dayday Inqilaabka Dalka Burundi Oo Xabsiyada Lagu Guray

Bujunbura:May,15,2015(SDN/QJ)-Wararka laga helayo waddanka Burundi, ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex kamid ah Saraakiishii hoggaaminaysay Inqilaabkii Fashilmay ee Dalkaasi  ka dhacay Xasbiyada loo taxaabay.

courpHogaamiyihii ku dhawaaqay Afgambiga Jeneraal Godefroid Niyombare ayaa la sheegay inuu baxsad ka yahay Ciidamada, isla-markaana si weyn loo raadinayo.

Afhayeen u hadlay Madaxweynaha ayaa sheegay in saraakiisha la qabtay la horkeeni doono Maxkamad, si cadaalada loo marsiiyo.

Mid ka mid ah Saraakiisha la xidhay ayaa hore u soo noqday Wasiirka Difaaca Burundi, waxaana lagu magacaabaa Jeneraal Cyrille Ndayirukiye.

Jeneraal Godefroid Niyombare ayaa u sheegay Wakaalada wararka ee AFP in sheegay in isaga iyo saraakiisha kale ay isku dhiibayaan Ciidamada, isagoo xusay in aanu cabsi ka qabin in la dili doono.

Madaxweyne Nkurunziza ayaa dib ugu laabtay Bujumbura, waxaana la filayaa inuu khudbad u jeediyo dadkiisa.

Isku dayga afgambiga ayaa bilowday arbacadii markii uu Madaxweynaha ku maqnaa dalka Tanzania, halkaasoo uga qeyb galayay shir madaxda Bariga Afrika ka lahaayeen xiisada Burundi.

Dagaaladii shalay ka dhacay Caasimada Bujumbura ayaa waxaa ku dhintay ilaa shan askari, iyadoo ciidamada daacada u ahaa Jeneraal Godefroid Niyombare laga awood roonaatay.

Xaalada Caasimada Bujumbura ayaa maanta oo jimco ah degan, inkastoo cabsi badan laga qabo inay isku dhacyo kale dhacaan, waxaana haawanaya wadooyinka oo ciidamo fara badan lagu arkayo.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com