Rome:May,14,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Dalka Talyaaniga, ayaa Hanjabaad u dirtay Dalalka Reer Yurub, taas oo la xidhiidha Tahriibayaasha Afrikaanka ah ee Dalkeeda soo Gelaya.
Talyaanigu waxa uu ku Hanjabay inuu Oodda ka qaadi doono Tahriibayaasha uu ka Hayo Yurubta Kale Haddii lagu siin waayo Caawimaaddii hore loogu heshiyey.
Dawladdu waxay sheegtay inaan loo adkaysan Karin tirada Dadka Dalkeeda soo gelaya Haddii aanay Helin caawimaad dibadda ah.
Wasiirka arimaha Gudaha Italy Angelino Alfano ayaa dalbaday caawinaad dheeri ah oo ay ka helaan dalalka kale ee Yurub kuwaasi oo xuduudaha la leh Talyaaniga, si ay uga caawiyaan soo galootiga badan ee gaadha dalkaasi.
Wuxuu ku hanjabay inay dadkaasi u ogolaan doonaan inay gaadhaan oo ay u gudbaan dalalka kale ee qaarada yurub ayna jabinayaan sharciyada ka yaala magangalyo doonka ah.
“Waxaan u ogolaan doonaa inay u gudbaan dalalka kale, haddii kale ha nalaga caawiyo dadkaasi”sidaasi ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha ee Talyaaniga, wuxuuna sheegay in badankood dadkaasi ay qaxooti ahaan ugu noolaadaan dalkaasi.
Wasiirka ayaa ka dalbaday wadamada kale ee Yurub inay faragelin ku sameeyaan dowlada Libya taasi oo ku aadan inay joojiso muhaajiriinta ka tageysa dalkaasi una sii gudbaya dalalka Poland iyo Talyaaniga “Italy”.
Wasaarada ayaa sheegtay in ku dhawaad 36,000 oo muhaajiriin ah ay tageen dalkaasi sanadkaan 2014, kuwaasi oo u kala dhashay Soomaaliya, Eritrea iyo Syria, waxaana dhanka kale uu sheegay inay ka badan karaan sanadkii 2013.
Maalmo ka hor ciidamada ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa badbaadiyay dooni ay saarnaayeen dad muhaajiriin ah oo ka tagay dalka Libya, kuwaasi oo doonidii ay saarnaayeen kula qalibantay xeebaha dalkaasi.
Dhawaaqan haatan ka soo baxay Dawladda Talyaaniga ayaa dhiirrigelin kara Somali badan oo ka warwarsan Faraha lagaga qaado dalka Talyaaniga, maadaama Haddii aanay dalalka kale ee Yurub ka jawaabin dalabka Talyaaniga ay taasi keeni karto in iyadoo aan wax faro ah laga qaadin ay dhaafi karaan Talyaaniga.
Faraha uu qaado dalka talyaaniga ayaa caqabad weyn ku ah dadka tahriibaya, waxase Hubaal ah Haddii farahaasi meesha ka baxaan inaanay cidina ka labalabayn doonin inay tahriibta u dhabar adaygaan.
SDN/QJ-Hargeysa
