|

Turkiga Oo Soo Gabagabeeyay Dhismaha Saldhig Military Oo Ay Ka Sameeyeen Muqdisho

Muqdisho 17. July 2017 (SDN/QJ):- Dowladda Turkiga ayaa sheegtay sheegtay in ay soo gabagabeeyeen saldhig military oo dowladdaTurkiga ay ka dhistay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Safiirka dowladda turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Baker oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay soo gabagabeyeen dhismaha Saldhigaas islamarkaana Bisha Ogoosto ay qorsheynayaan in ay keenaan Saraakiishii tababarka ku bixin laheyd Saldhigaas.

 

Waxa uu sidoo kale hadalkiisa intaas ku daray in Bisha September ee Sanadkaan ay xariga ka jari doonaan Saldhigaas,balse haatan Saraakiil ka tirsan Turkiga ay sihoose oo bilaaw ah tababar u wadaan.

Hadalkaan ayaa Safiirka waxaa uu sheegay xili shalay Wariyaasha uu la qaatay kulan Su’aalo weeydiin ah kaas oo looga hadlayay Sanad kadib Afgembigii fashilmay ee ka dhacay dalkaasi turkiga.

Comments are closed