|

Tv-Ga Faransiiska Oo Ka Digay In Abaarta Ugu Halista Badani Ka Dhici Karto Somaliland Iyo Mandaqada Geeska Afrika

Hargaysa 21. April 2017 (SDN/QJ):- Beesha Caalamka, ayaa loogu baaqay inay inay ka soo jawaabaan qaadhaan gargaar wax loogu qabto dad gaadhaya 20 milyan oo abaaro ba’an saameeyeen, taasoo  Jamhuuriyada Somaliland halista ugu weyni waajahayso haddii aan degdeg wax looga qaban.

Warbixin telefishanka Faransiisku ka diyaariyey deegaannada Somaliland ee abaaraha ba’an saameeyeen oo habeenkii Isniintii toddobaadkan la baahiyey ayaa lagu bilaabay:

“Sida laga soo xigtay Qarrammarda Midoobay, dad ka badan labaatan Milyan ayaa halis ugu jira macaluul Geeska Afrika. Dalka Somaliland oo ka madax-bannaanaa Soomaaliya muddo 25 sannadood, balse weli helin aqoonsi caalami ah ayaa ah xudunta halista abaartan, oo laga cabsi qabo inay keento xaalad waxba laga qaban kari waayo dhibaatada ka dhalata, haddii aan degdeg wax looga qaban.

 

Magaalada Hargeysa, roobabka ayaa muddo hore ugu dambeeyeen, labadii sannadood u dambeeyey cirku daruuro iyo cadceed kulul ayaa ka muuqday. “Ilaahay baan baryeynaa, marwalba iyo meel walba inuu raxmaadkiisa roobka noo shubo,” ayuu yidhi nin taagnaa agagaarka dooxa Hargeysa.

Xaaladuhu waxay sii daran yihiin, markaad dibedda uga baxdo magaalada, sida weriyeyaal ka socday telefishanka TF1, Liseron Boudoul iyo Guillaume Aguerre, indhahooda ku arkeen. Deegaannada ka durugsan rugaha caafimaadka iyo hay’adaha qaadhaan-bixiyeyaasha, badi reer miyiga waxay tuban yihiin agagaarka waddooyinka, iyagoo raadinaya biyo iyo cunto.

Axmed oo geed hoostii aanu ku kulanay, baddi xoolahiisii way ka baxeen, ka dib safar uu masaafo gaadhaysa 200 KM u soo lugaynayey, laftiisa ayaa gaajo haysaa, waxaanu la wadaagayaa afar qoys oo kale cunto Bariis digsi yar ku jirta.

Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee abaarahu saameeyeen ayaa qarka u saaran macaluul baahsan. Waxaana xaaladaha halistu xilligan ka muuqdaan cusbitaalada, goob hooyooyin sita carruur nafaqo-daro hayso ku soo qulqulayaan. Faadumo Maxamed, gabadh kalkaaliso caafimaad ah oo  joogta cusbitaalka Burco ayaa qabatay carruur tahli waayey inay afkooda furan tamar-darro awgeed, badhkoodna miyir-doorsan ku jiraan. “Marka caruurta la keeno cusbitaalka, xaaladahoodu waa halis, aan la saadaalin karin inay ka soo kabtaan ama u dhintaan,” ayey tidhi.

Warbixintan lagaga hadlay halista abaaraha ka jira Somaliland ayaa looga digay inay keento oo kale macaluushii ka dhacday Soomaaliya sannadkii 2011, oo dad gaadhaya 260 kun u dhinteen.

Si looga hortago halista ayaa beesha caalamka loogu baaqay qaadhaan gaadhaya 4 bilyan oo doolar in looga baahan yahay wax-ka-qabashadiisa, si wada jir ahna ugu baaqeen hay’adaha UNDP iyo UNICEF.

Xukuumada Somaliland iyo shacabkeeda guddo iyo dibed oo hore iyo wakhtiganba dedaalo ballaadhan ka geystay ka qeybqaadashada & taakulaynta dadka abaarahu saameeyeen, ayaa, dhinaca kale loo baahan yahay in la sii labba-laabo taageeradooda waxqabad, si dadkeennu abaarahu saameeyeen wax loogu qabto, raxmadii Ilaahayna rajaynteeda iyo baryadeeda aan laga quusan.

Comments are closed