|

Ururka Rayislayaasha (Tima-jarayaasha) Somaliland oo Bulshada iyo Madaxweynaha Baaq u Diray DAAWO

Hargaysa 26.August 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Ururka Rayislayaasha (Tima-jarayaasha) Somaliland Deeq Daahir Faarax, ayaa ka hadlay culayska iyo cidhiidhiga ay Tima-jarayaasha Ajaanibka ahi ku hayaan Rayislayaasha waddaniga ah, isagoo sheegay in Shaqadoodii ay la wareegeen, isla markaana Bulshadi u muuqato badankoodu kuwo door-bidaya inay Ajaanibka ka xiirtaan.

 

Waxaa uu Guddoomiyaha Tima-jarayaasha Somaliland, Baaq u diray Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo iyo Dadweynaha Reer Somaliland, waxaanu sheegay inay cid walba iyagu kaga xaqleeyihiin qabashada shaqadan oo ay Boqollaal sano soo wadeen, qaabka ay Timaha u xiirayaan Raysilayaasha waddaniga ahina tahay qaab waafaqsan Dhaqanka iyo Diinta Islaamka.

 

Deeq Daahir Faarax, waxa uu sheegay in qiimaha waddaniyaddu yahay wax wayn, isla markaana waxaad qof Muwaaddin ah ka heli karto ama Shaqada uu kuu qaban karo aanay habboonayn inaad Ajaanib u daba-fadhiisato waddan kale ka soo shaqo-tegay oo Dhaqaale-urursi dalka u yimi.

 

Qodobbadaas iyo kuwo kale oo kala duwan ayuu ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Tima-jarayaasha Somaliland Deeq Daahir Faarax, waxaanu soo dhaweeyey go’aan dhawaan ka soo baxay Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta, kaasoo ay ku xaddidayso qaababka Timaha loo jaro, isla markaana ku mabnuucayso wixii Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Suubban ka hor-imana oo ah qaabka ay inta badan Dhalinyaradu wakhtigan u xiirato.

“Marka Ajaanib soo dhex-galo shaqadii ay muwaadiniintu lahayd, dhibaato weyn ayaa ka taagan, kun iyo laba boqol oo Inan (1,200) ayaa caasimada Hargeysa ka hawl-gala Madaxweyne oo Raysale-yaal ah, kuwaas oo caafimaadkooda , waxbarashooda iyo noloshooda ku dabara, haddii maanta intiiba lagu qabso Madaxweyne maxaad u malayn doontaa. Ganacsigani (Raysale-yaasha) wuxuu ka mid yahay ganacsiga lafdhabarta u ah Somaliland oo ilaa ka ku xiira Madaxweyne wuxuu ka mid yahay Iskaashatada midnimo.” ayuu yidhi Guddoomiyaha ururka Rayisleyaasha.

Guddoomiyaha Ururka Timo-jarayaashu waxa uu Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inay Xukuumadd ahaan talaabo ka qaadaan dad Ajaanib ah oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin shaqadooda, waxaanu yidhi; “Madaxweyne waxaanu kaa codsanaynaa inaad talaabo ka qaado dadkaas, wareegto aad ku soo saarto in aanay dadkaasi shaqayn karin. Waad ogtahay dhalinyarada Somaliland in aanay shaqo haynin oo marka inagii oo shaqo haynin dusha la inagag soo dhaco waad garan kartaa Madaxweyne dhibaatadada ay leedahay.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka Timajarayaasha Somaliland.

Guddoomiyaha Timo-jarayaasha Somaliland Deeq Daahir, ayaa sidoo kale ka hadlay go’aankii ka dhanka ahaa masuuliyadooda ay dhawaan soo saaratay Wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland, waxaanu yidhi; “Madaama oo aanu anagu (Raysle-yaasha) hawshaa bilawnay, go’aankaa Wasiirka waxaanu soo dhaweynaynaa oo arrimaha diinta oo dhana aad baan u taageesanahay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Deeq Daahir Faarax.

Deeq Daahir waxa uu Shacbiga Somaliland u soo jeediyay inay dhaqaalaha ay Timaha kaga xiirtaan dadka Ajaanibka ay xaq uga leeyihiin kuwa Muwadiiniinta ahi, waxaanu yidhi “Farriinta aan u dirayo bulshada Somaliland ee naga xiirta waxa weeyaan, waar ka Awoow ka Awoow anagaa ku soo xiiri jirnay oo Awoowgaagii shanaad baanu u soo xiiri jirnay, maanta haddii aad Inan yar oo Addis-Ababa ka yimi aad doorbid waa kuwo doqonimo. Waar kan Muwaadinta ah ee aad labada kun siinayso Diimi-buu ku dhisayaa, kan kale ee Ajaanibka ah ee aad siinayso Gondar ama Addis-Ababa ayuu la tagayaa, taana waanu ka soo hojeednaa mana ogolaan doono.”

Haddaba, Hadalka Guddoomiyaha Ururka Rayislayaasha (Tima-jarayaasha) Somaliland oo Waraysi gaar ah siiyey Telefeshinka Star oo kula kulmay magaalada Hargeysa, kana warramaya arrimahaa iyo kuwo kale, waxaannu waraysigiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Ka Bogasho Wacan oo Wanaagsan Dhammaantiin:-

Comments are closed