|

Ururka Suxuufiyiinta RSF oo canbaareeyay Puntland

London February 27, 2024 (QJ) -Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn ee RSF ayaa cambaareeyay go’aanka maamulka Puntland ay ku masaafuriyeen wariye Jamaal Cismaan iyo soo saare ka tirsan Telefishinka caalamiga ah ee Channel 4.
RSF waxay sheegtay in labadan wariye lagu xiray Puntland xili ay halkaa u tageen in ay warbixino ka diyaariyaan arrimaha deegaanka ee saameeya isu socodka badda.
Jamaal Cismaan iyo shaqaalaha Channel 4 ayaa la xiray markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee Garoowe 18-kii February, waxaana subaxnimadii xigtay dib loogu celiyay UK, inkastoo ay heysteen fiisayaal sax ah oo ku taariikheysnaa 15-kii February, kaasoo uu bixiyay Wasiirka Warfaafinta Puntland.
Jamaal Cismaan ayaa sheegay wax yar ka dib markii la xiray in la geeyay Hotel ay maamusho Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Puntland ee PISA. Waxaa markii dambe loo gudbiyay xafiiska PISA halkaas oo su’aalo lagu weydiinayay ku dhawaad saddex saacadood.
Sidoo kale, Wariye Jamaal Cismaan ayaa laga soo musaafuriyay magaalada Muqdisho dhammaadka sanadkan 2022-ka, kaddib markii uu halkaas ku xirnaa hal maalin.

Comments are closed